Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo u safray dalka K/Afrika


Spread the love

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Sheekh Adan Mohamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament).

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.


Like it? Share with your friends!