Haddii aad Buug Ka Qorto Adeerkaa Ma Qabyaalad baa?


Spread the love

Taasi waa dhaqankeenna rasmiga ah, sidaasi

Sideedaba
dad badani waxa isaga khaldan Qabyaaladda iyo Qabiilka, waa kala laba, haddana
dhinac iska soo gala marka si qalloocan loo adeegsado. 

Dhaqankeennii ay
bulshadu ku noolayd ee miyiga ka jiray, markii dambe ee magaalooyinka la soo
galay ayaa u dhignaa qaab tolnimo iyo ilmaadeer dhib iyo dheefba wadaagta.
Taasina waa tolnimo ama qabiil. Qofba qofka uu uga dhaw yahay ayaa wixii ka
dhexeeyaa ay fududaan jirtay. 
Haddii ay xumaani dhexmarto, qaabkii tolnimo ee
reerku u kala garqaadan jiray ayaa loo xallin jiray, iyada wixii la isku hayo
marna laga garnaqi jiray marna dhexdhexaadin lagu dhammeyn jiray. 

Taasi waa
dhaqankeenna rasmiga ah, sidaasi darteed dhammaan qorayaasha adeeradood buugta
ka qoray dhaqankaasi ayaa keenay in cidda u dhow ay u fududahay ururinta
macluumaadka iyo haddii ay dhibi timaado in reerku uu xallin karo. 

Way se
jiraan qorayaal buugaag ka qoray dad ay reer ahaan aad u kala fog yihiin, mase
badna.
=
Anigu waxa aan buug ka qoray Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan, waa adeerkay.

=
Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu buug ka qoray Abwaan Timacadde, waa adeerkii.

=
C/raxmaan Guri Barwaaqo, wuxuu buug ka qoray Abwaan Gaariye, waa adeerkii.

=
Abwaan Axmed Aw Geeddi, wuxuu buug ka qoray Abwaan Cali Jaamac Haabiil, waa
adeerkii.

=
Maxamed Baashi X. Xasan ‘AHN’, wuxuu buug ka qoray Abwaan Hadraawi, waa
adeerkii.

=
Abwaan Yuusuf Shaacir, wuxuu buug ka qoray Abwaan Saalan Carrabay, waa
adeerkii.

=
C/raxmaan Yuusuf Cartan, wuxuu buug ka qoray Madaxweyne Siillaanyo waa
adeerkii.

=
Siciid Maxamed Gahayr,w uxuu buug ka qoray Xaaji Cabdi Waraabe, waa adeerkii.

=
Cabdikariin Xikmaawi, wuxuu buug ka qoray Mujaahid Maxamed Mooge, waa adeerkii.

=
Cabdibashiir iyo Aadan Cadde waxa ay buug ka qoreen Abwaan Dheeg, waa
adeerkood.

= Cabdiqani
C/laahi Aadan, wuxuu buug ka qoray Madaxweyne C/raxmaan Tuur, waa adeerkii.

=
Maxamed Cali Cabdilaahi (Saxardiid), wuxuu buug ka qoray Abwaan Faarax Nuur,
waa adeerkii.

= Khadar
Xuseen Daahir ( Hayl), wuxuu buug ka qoray Abwaan Cismaan Askari, waa adeerkii.

=
Axmed Faarax Idaajaa, wuxuu buug ka qoray Abwaan Ismaaciil Mire, waa adeerkii.

=
Aw Jaamac Cumar Ciise ‘AHN’, wuxuu buug ka qoray Sayid Maxamed Cabdille Xasan,
waa adeerkii.

Sii
wad uun ka bixi maysid.

Cali
Cabdi Coomay
Suxufi,
qoraa ah.
Hargaysa,
Soomaalilaan
[email protected]


Like it? Share with your friends!