Hal Qodob Oo Laga Baran Karo Qalin Jabinta Ahmed Muse Bixi


Spread the love
Iyo Laba Qodob Oo Madaxweyne Biixi Kaga Duwan Yahay Madaxweynayaashii Dalka Soo Maray.

Ugu horayn waxan
hambalyo udiraya Ahmed Muse Bixi oo dhawaan ka qalin jabiyay jaamacada (New
Generation) si la mida ardayda reer Somaliland waxaan leeyahay Allah hakugu
anfaco aqoonta aad baratay.

Qodobka kowaad waxa ay
ardayda reer S/L ka baranaysa Ahmed M Biixi gaar ahaan  ardayda dadka ladan iyo madaxdu ay dhaleen
(Elites) in adigoo aabaha madaxweyne yahay aad si caadiya  aad dalkaaga wax ugu baran karto oo waliba
dedaal badan aad samaynkarto si aad mustaqbalkaaga udhisto oo aanay ku
mashquulin aabaha Aya iyo waalidka Aya kugu filan.

Qodobka labad waxa
weeyi in madaxwene Biixi kaga duwan yahay madaxdii dalka so martay iyo kuwa
joogaba oo ay caruurtiisu dalka wax ku barteen si lamida muwaadiniinta caadiga
ah (ordinary people)

Qodobka sadexaad inuu
ku dhiiraday madaxweynuhu in inankiisu kuliyada ciidanka ee Layli sarkaal iyo
shaqo qaran uu ka saaray si la mida ardayda dabaqada hoose ee Reer Somaliland.
Halka ay madaxda kale iyo ganacsada reer Somaliland caruurtooda ay wax
barashada dibada u diraan.

Ugu danbayn madaxweyne
Biixi wuxu tusaale nool u noqonayaa dadka yidhaahda marka caruurtoodu qalin
jabiso waqti kuuma hayo oo Mashquul Ayaan ahay, waayo isagoo madaxweyne ah ayuu
waqti u helay wiilkiisa waana arin ku dayasho mudan.

 

Allah Mahad leh

W/Q: Abdiqani Salaf

Freelance political
analyser.


Like it? Share with your friends!