0

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga Dani Alves kaas oo kooxda ku soo laabtay kadib markii uu horay uga tagay.

Alves ayaa kooxda Barcelona ugu soo laabtay qaab xor ah waxana uu bishii mushahar ahaan u qaadan doonaa lacag dhan hal milyan oo euro si uu u caawiyo kooxda.

Alves oo bilaa koox ah ayaa ogolaaday in uu heshiis hal xilli ciyaareed ah uu soo laabto kooxda Barcelona isaga oo noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee Xavi.

Ku dhawaaqista heshiiska waxa haatan kaliya ka dhiman in uu La Liga ogolaado heshiiska waxana uu Alves la midoobi doonaa xiddigii ay horay isaga soo garab ciyaareen Barcelona.

Xiddiga khabiirka ah ee Alves ayaa si weyn u caawin kara kooxda Barcelona marka ay noqoto dhinaca weerarka oo ay aad uga liidato xilli ciyaareedkan.

2 ways Barcelona could lineup in January with Dani Alves in


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *