Hargaysi Ma Toostay


Spread the love
“Muuse waxa ka sii daran kuwa habeen iyo maalin ku hadaaqaya ” waar nabada ha la ilaaliyo”

Hargeysa ma toostay

Hogaanka ma diiday

Harqoodka ma tuurtay

Inaanay hummaaga

Hadoodilan yeelin

Sidii hebed geel ah

Hashii Nabi Saalax

Horaadada dhiibin

Hankeeduma siiyeyi

 Hadraawi.

Waxaan ku bilaabayaa
qiso ku dhex martay Saylada Burco Nin shacab ah iyo Tuug.

Saylada Burco baa nin
rabey inuu bas ka raaco.   Tuug baa u soo
dhuuntay oo lacag jeebka ugu jirtay kala cararay.  Ninkii oo ahaa nin xoog weyn,  bakoorad weyna sitey ayaa ka daba boodey
tuugii oo sii ordaya.

 

Tuugii markuu arkey
ninkii oo caydhsanaya,  bakoorad weyna
sita oo wax yar  u soo jira ayuu qayliyey
”Waar nabadgelyada ilaali, waar nabadgelyada ilaalii”.  Ninkii xooga weynaa ee lacagta laga dhacay,
ayaa isna ku tiraabay  ” Hadaad  rabto in nabada la ilaaliyo iska dhig xoolaha
aad soo dhacday”.

 

Tuugii markuu nafta u
yaabey oo uu arkay inaanu ka fakanaynin ninkii caydhsanayey ayuu iska tuuray
lacagtii.

Ninkii intuu
lacagtiisii qaatay ayuu yidhi ” Hadda ayey nabad gelyadu sugantahay”.

Maanta taas wax ka
dhigan Madaxweynaha doorasho diidka ah oo inta xuquuqdii iyo masiirkii ummaddu
lahayd oo dhan dhacay, hadana ku qaylinaya ”Waar nabada ha la ilaaliyo”.

 

 Muuse waxa ka sii daran kuwa habeen iyo maalin
ku hadaaqaya ” waar nabada ha la ilaaliyo” ee aan mar kaliya ka hadleyn dhaca
iyo xasuuqa Muuse shacabka iyo axsaabta mucaaridka kula kacayo.   Kuwa mar kasta oy hadlayaan aan mar kaliya
soo qaadeyn 13 November.  Waa shahaado
Zuuriin.  Waa daalimiin.

 

Waxa jira kooxo kale oo
kuwaa ka sii daran oo ka shaqeeya guriga Madaxweynaha doorasha diidka ah
(Kitchen gods) oo raba inay u maxlalaan kursiga qaranka Muuse Biixi doorasho
la’aan.

 

 Kooxahaas, oo ay ka mid yihiin  odayaasha Gadhoose, Gaboose, oday Guhaad iyo
qaar kale oo badan,  waxa Muuse u
abuurtay inay reer Somaliland ka duudsiyaan xaqa doorasho ee Distuurku siiyey
13 ka November 2022.   Waxay rabaan inay
gacantooda ku badalaan muddo xileedkii Dastuurku u cayimay Madaxweyne kasta oo
ah 5 sanadood.  Kuwaasina iyana waa  shahaado Zuuriin qeyb weyn ka ah mushkilada.

 

 Maanta waxa is hayaa waa Qori iyo Siidhi.
Doorasho doon iyo doorasho diid ( Kaligii taliye ).  Siidhigaana guulaysan doona.

Muuse Biixi iyo Maxamed
Kaahin waxba dhowran maayaan, sabtoo ah hore ayey Balliyo  dhiig ah ugu faraxasheen oo xabaalo cas Burco
iyo Hargeysa ka dhigeen.   Sidaas
darteed, 10 qof iyo wax la mid ah in ay xasuuqaan waxba lama aha.

 Mar Hore, waxay sheegeen in Cirro  iyo beelaha uu ka soo jeedo ay Somali weyn
yihiin.  Mar kale waxay sheegeen in Cirro  Hargeysa ku dhex haysto Ciidan beeleed ay
isku heyb yihiin.  Ugu dembeyntiina waxay
sheegeen inuu kooxo argagixiso ah  xamar
ka keenay,  waxaas oo dhan waa sabab ay
Korneyladu ku doonayaan inay ku baneystaan dhiiga daahirka ah ee qeybo ka mid
ah shacabka Somaliland.

Isaga taliyaha
Dabagale, ma mudna in laga hadlo arrintiisa oo magaciisaa kaaga filan waa
(Dabagale).

 GUDOOMIYE FAYSAL WAAN DHALIILAYAA.

Qofku haddii uu siyaasi
yahay,  waa inuu hal adeyg leeyahay.  Faysal waxaan ogeyn isagoo Muuse si adag ula
hadala oo leh haddii aad doorasho qaban weydo, adiguna waxaad noqon doontaa nin
reer Samatar ah, aniguna waxaan noqon doonaa nin reer Guuleed ah.  Maxaa is badaley?

Bishan 10 dii Faysal
shir jaraa’id ayuu qabtay,  wuxuu
sheegay:-

1.       Faysal wuxuu sheegay inuu Maxamed Kaahin
Xafiiskiisa ugu tagey galinkii dembe ee maalintaas.

2.       Wuxuu sheegay in wasiirku shaah macaan
siiyey.

3.       Wuxuu sheegay, in wasiirku ballamo badan
hore ugaga baxay.

4.       Wuxuu sheegay, inuu wasiirka dad kale uga
ergooday markuu wax kasta ka diidey.

5.       Wuxuu sheegay in isagoo la fadhiya
telefoon kheyr qaba Madaxweynuhu Wasiirka u soo direy.

6.       Wuxuu sheegay, in debeda loo saarey oo
muddo 55 daqiiqadood ah uu hor taagnaa xafiiska Maxamed Kaahin,  hadana aanu wax oggolaansho ah howshii uu ula
tagey ka soo helin.

Waxaas oo dhan waxay ku
tusayaan, in Gudoomiye Faysal u dabcay hanjabaadii Maxamed Kaahin.  Maxaa keenay inuu Korneyl amarka Muuse Biixi
kaliya ku shaqeeya uu Hal saacad ah Xafiiskiisa hor taagnaado, taasi waa
karaamo dil uu u geysatay Xisbiyada qaranka iyo shacabka ay matalaan, waana hubaal in Maxamed Kaahin arrintaas u qaatay
in Xisbiyadu mucaaridku baqeen.  Arrintaas
oo kale yaanay dib u dhicin  gudoomiye.

 

Ugu dembeyntii,  Halganka iyo xorriyad doonku waa
soconayaa,  Kaare iyo Beebee midna ma
celin karo shacab gadoodey oo inta xuquuqdoodii la boobay, xasuuqna loogu
daray.

 

Ballankeenu waa 13 ka
November.  Inta ka horeysana waa
dareenkeena oo aan si silmi ah ku muujino.

 

[email protected]

 


Like it? Share with your friends!