Haweenka Xijaaban Ee Hindiya Oo Ay Haysato “Laba Daran Mid Dooro”


Spread the love

Sidee loo sii wadaa waxbarashada oo fasalka loo fariistaa xilli ay cashirrada kula qaadanayaan dad ku dhawaaqaya erayo ay kaga soo horjeedaan xijaabka aad xirantahay ?Taasi waa su’aasha ay jawaabta u la’dahay Saima, oo iyadu dalbatay in loogu yeero magacaan oo aan keeda dhabta ahayn.

Toddobaadkii hore, gabadhan oo 20-jir ah waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo Muslimiin ah oo xijaaban, kuwaasoo muuqaalladooda baraha bulshada la soo dhigay iyadoo ay ku dibad baxayaan boqollaal arday Hinduus ah oo ka soo horjeeda xijaabka ay xiranyihiin haweenkan Muslimiinta ah ee Hindiya .

Saima, oo ah haweeneyda kaliya ee Muslimad ah ee fasalkeeda, ayaa sheegtay inay ku aragtay dad badan oo ay isku fasal yihiin dibadbaxyadii lidiga ku ahaa xijaabkeeda.

Xijaabka ayaa noqday qodob doodd adag ka abuuray gudaha dalka Hindiya. Dadka ka soo horjeeda ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyada ay ku diidanyihiin asaatamaha diinta ee dumarka Muslimiinta ah bishii hore kadib markii lix dhalinyaro ah oo dhigata kuliyad ay dowladdu maamusho oo ku taal degmada Udupi ee gobalka Karnataka ay sameeyeen dibadbax markaa oo gabdhaha Muslimiinta ah fasallada laga mabnuucay inay xirtaan qamaar iyo indho-shareer.
Intaa kadib arrinta ayaa durbaba dhalisay kala qaybsanaan aradyada Hinduuga dhexdooda ah iyadoo dhinacyadu jeedinayeen hadallo kicin ah oo keeni karay rabshado horleh.Cabsi laga qabo in rabshado dhacaan darteed ayaa dowladdu waxay irdaha u laabtay iskuullada sare iyo kulliyadaha.

Su’aasha taagan ayaase ah gabdhaha iyo haweenka Muslimiinta ah ee gobalka Karnataka ma u xiraan karaan xijaabka fasallada iyo kulliyadaha, waa arrin lagu wado in ay go’aan ka gaarto maxkamadda sare oo hadda dhageysanaysa kiis la xiriira arrintaan.
Iyadoo la filayo in dhawaan ay aradyadu fasallada dib ugu laabtaan ayaa haddana waxaa caqabadi ay ka taagantahay sida ay isku fahmi doonaan kuwa isku fasallada ah iyo saaxiibbadood.”Waxaan ka walwalsanahay in tani ay si cad u abuuri doonto jawi naceyb ah fasalka dhexdiisa,” ayay tiri Saima.”Waxaan bilaabi doonaa inaan dhahno waa Hinduu, waana sababta uu iigu soo horjeeday, waxayna u maleynayaan inay tahay Muslim, waana sababta ay aniga iga soo horjeedo.” yay hadalkeeda raacisay.
Aakanksha Hanchinamath, ayaa ka mid ah aradyada ay isku fasalka yihiin Saima, waxaana toddobaadkii hore ay ka mid ahayd dadkii ka qayb qaadanayay bannaabaxyada. Mudaaharaadku wuxuu ka dhashay “go’aan wadajir ah” oo ay gaareen ardayda Hinduuga, ayay tiri Hanchinamath.
Ma ahan markii ugu horeysay ee xijaabku uu mudaharaad ka dhaliyo gobolka Karnataka ee xeebta, halkaas oo ay ka jiraan kooxaha Hinduuga iyo Muslimiinta ee garabka midig tobanaan sano.Balse waagii hore arrimahan oo kale si degdeg ah ayaa loo xalin jiray, ayuu yiri Prof Phaniraj K, oo ka tirsan koox bulshada rayidka ah kuwaas oo si dhow ula socda dhacdooyinka ka dhacaya gobalka.

Waxaa uu tilmaamay in mudaaharaad la mid ah kuwaan hadda dhacay oo ka dhacay Mangalore 15 sano ka hor, halkaas oo maamulka iskuullada iyo ardaydu ay kala aragti duwanaantoodii ku xalliyeen muddo shan maalmood gudahood ah.

“Dhacdooyinka goosgooska ah ee su’aalo weydiinta xijaabka iyo qamaarada madaxa lagu xirto ee gudaha xarumaha waxbarashada ayaa muddo socday laakiin waligood sidan uma qarxin,” ayuu yiri mar kale Prof Phaniraj K,.

Balse kororka kala qaybsanaanta ayaa horseeday xeerar kala duwan oo ku saabsan xijaabka kulliyadaha oo dhan. Iskuullo badan oo gaar loo leeyahay, sida midka Saima ay dhigto, waxay oggolaadeen xijaabka in fasallada lagu xirto. Iskuullada ay dowladdu maamusho ayaa iyaguna sannad walba dib u eegis ku sameeya shuruucda. Go’aannada ku saabsan direysku waxay u yaallaan guddiga horumarinta ee uu hoggaamiyo sharci-dejiyaha deegaanka.
Arrinta waxaa uga sii daray oo baasiin ku sii shubay hadallada qaar ka mid ah siyaasiinta iyadoo mas’uuliyiinta xisbiga talada dalkaasi haya ee BJP uu ka codsaday ardayda Muslimiinta ah inay aadaan Pakistan haddii ay doonayaan inay xirtaan xijaab,hadalkaas oo si weyn u sii niyad jabiyay aradyada Muslimiinta ah gaarahaanna haweenka ayna ku tilmaameen inuu yahay hadal u dhigma “labo daran mid dooro”.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments