Maaraynta Noloshu
Kaliya Kuma Xidhna Deegaanka iyo Duruufta ay bulshadu Ku Nooshahay waxaase sal u ah Faham iyo La Qabsiga Dhamaystirka Xuquuqdooda asaasiga ah .
Wiilkan Yar ee Halkan
inooga wada Muuqdaa halka uu joogaa waa Deegaan Miyi ah wuxuu ku nool yahay
xaalad ka duwan xaaladaha ay ku nool yihiin caruurta ay Da’a ahaan wada jiraan ee ku Nool Magaalooyinka.
Wiilkan yari aroortii
waxaa uu u jarmaadaa goobta waxbarashada ee ku taala deegaankiisa , marka uu ka soo rawaxo Dugsiga Waxbarashada waxaa Loo Diraa Maqasha yar yar ee xoolaha laga Reebo.
Inta uu ku dhex jirto
ilaalinta iyo Daaq Geynta Maqasha waxaa uu sii qaataa Buugaagta loogu soo
dhigay carasharada Dugsiga isaga oo ku
dhex Akhrista marka uu wakhtiga u helo.
Waxaa laga yaabaa
wiilka ku nool goob magaalo ah in aan loo dirin shaqo ka badan Tagista
goobtiisa waxbarasho isla markaana uu helo Fursad Nasasho iyo
Dalxiis,hadana waxaa laga yaabaa in
ardaygaa Xoola jirka ah ee ay Wakhtiga Waxbarashada ku wada jiraan inuu Kaga Xariifsanaado Waxbarashada,
Tani waa sababta ay
Dadka Miyiga wax kusoo bartaa ay uga dedaal badan yihiin dadka Magaalooyinka
wax ku barta,.
Fursadan
waxbarsho waxaa siiyay waalidka
dhalay inankan yar iyaga oo Fahamsan inay ubadkoodu xaq u
leeyihiin inay helaan waxbarsho si ay Naftooda iyo Bulshadoodaba ay wax utaraan
Ugu Dabayn Waxa aynu
Dhacdadan Ka Fahmaynaa in ay Waxbarashadu ay Muhiim u Tahay Bulshada oo
dhan isla Markaana Ubadkeena aynu Siino
Fursado Waxbarasho Oo Loo Siman Yahay Si
ay u Helaan Xuquuqdooda Oo Dhamays
Tiran.
Hormarka
Bulshadu Waxaa uu ku Jiraa Wax Barista Ubadkooda.
Eid Mubaarik.
Wasiir ku-xigeenka
Waxbarashada C/xakiin Bustaale.