Hindiya iyo Pakistan: Hadal heyn ka dhalatay gantaalkii khaldamay


Spread the love

Militeriga Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbaahinta dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa si weyn u hadal haya sheekooyinka ku saabsan dhacdadii dhowr maalmood ka hor uu gantaal khaldamay ugu dhacay Pakistan.

Gantaalka oo qarax weyn dhaliyay ayaa ku dhacay degmada Channu, sida ay saraakiisha Pakistan ku warrameen.

Hindiya ayaa sheegtay in gantaalkaas uu kasoo fakaday kaddib markii ay cillad farsamo qabsatay. Balse su’aalo badan ayaa hareeyay dhacdadan sida ay ku warrameen warfidiyeennada maxalliga ah. Dadka qaar ayaa isweydiinayay waxa dhici karay haddii meesha uu ku qarxay ay ahaan lahayd magaalo weyn.

Shuruucda dhinaca gaashaandhigga ee caalamka waxay dhigayaan in shey kasta oo hawada waddan uga soo gudba waddan kale uu yahay weerar. Haddii ay dhacdo in gantaal uu yahay shegaasna, waxaa khasab ah in uu aargoosi dhaco.

Sidaas awgeed Pakistan ayaa lagu ammaanay in ay qaadatay go’aan xikmadeysan oo aysan ku fal celinin wax tallaabo militeri ah, xilli la og yahay in labada waddan ay ka dhaxeyso colaad soo jireen ah oo wax kasta ay kicin karaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka arrintaas ku bogaadiyay Pakistan, oo isla hadalkan adeegsaday, waxaa ka mid ah Sashant Singh, oo ah mas’uul sare oo ka tirsan Xarunta Cilmi Baadhista Siyaasadda ee dalka Hindiya.

Waxa uu sheegay in gantaalka noociisu yahay BrahMos ee sida khaldan ay Hindiya ugu ridday Pakistan 9-kii bishan March, 2022-ka, uu ahaa mid jawaabtii laga bixiyay ay nabad ahayd.

Labada waddan ee deriska ah ayaa ku hubeysan hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka, xidhiidhkooduna waa mid si joogto ah u xun.

Shant Singh ma aha sarkaalka kaliya ee Hindiya u dhashay ee Pakistan ku ammaanay arrintan, balse waxaa su’aalo la iska weydiinayaa in “gantaalkan soo khaldamay” uu kicin karo xiisadda u dhaxeysa labada waddan oo aad xasaasi u ah.

Maadaama aysan taasi dhicin, wariyeyaal badan oo reer Hindiya ah iyo khubarada militeriga ee waddankaas waxay dowladda Pakistan toos ugu jeediyeen ammaan. Intaas waxaa sii dheer in Hindiya ay labo maalmood ku qaadatay inay qirato khaladka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mr Singh oo ka hadlayay wareysi uu BBC-da siiyay ayaa yidhi: “Waxaa wax lagu farxo ah in uusan jirin khasaare lasoo tebiyay.”

Shashant ayaa sheegay in qalabka difaaca ee Pakistan uu aad uga wanaagsan yahay sidii hore. “Inkastoo ay taas jirto, ma jiro qalab difaac oo garan kara in gantaal usoo gudbay xadkiisa uu yahay mid si khaldan loo soo tuuray,” ayuu yidhi.

Dowladda Pakistan ayaa u muuqatay in ay ka cadhootay sida uu u daahay bayaanka kasoo baxay Hindiya ee dhacdadan lagu sharraxayay.

Moeed Yousuf, oo ah la taliyaha dhinaca amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka 11-kii bishan March ku sheegay in gantaalka uu dalkooda ku galay joog dhulka ka sarreeya 40,000 oo feet.

Moeed ayaa walaac ka muujiyay xiriirka Pakistan iyo Hindiya, isagoo sheegay “in Hindiya ay hoggaanka u hayaan maamul ka amar qaata kali taliye, kuwaasoo mar isku dayay in ay Pakistan weeraraan sanadkii 2019-kii.”


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments