Hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban ee warkiisa la la’aa oo amarro cusub soo saaray


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images9 Saacadood ka horHoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda Taliban, Haibatullah Akhundzada ayaa ku amray garsoorayaasha Afgaanistaan ​​in ay soo rogaan ciqaabta dambiyada qaarkood oo ay ka mid yihiin goynta xubno jirka ka mid iyo rajminta ama ku dilista dhaxa.Afhayeen u hadlay hoggaamiyahan ayaa sheegay in dambiyada ay ka mid yihiin dilka, dhaca, Sinada, afduubka iyo qaska ay tahay in lagu ciqaabo dadka gaysta iyadoo loo marayo hannaanka shareecfda Islaamka.Laakin dambiyada qaar ayaa sia shareecdu qabto u baahan xaqiijin dheeraad ah sida sinada oo u baahan qirasho aan qasab ku imaan iyo ilaa afar qof oo marqaati ah. Sidoo kale dilka oo u dhac si ula kaca ah iyo midaan ku tala gal aheyn ayaa u baahan taxadar dheeraad ah oo ay ka mid tahay in qoyska qofka laga dilo uu mararka qaar cafin karo qof magdhow-na ka qaadan karo taasi oo shareecda Islaamku u oggashay.Markii ay xukunka hayeen sagaashamaadkii, Taliban waxaa lagu cambaareeyay ciqaabahaas, oo ay ku jiraan xukunno dil ah.Waxay ballan qaadeen inay si dhexdhexaad ah u maamuli doonaan dalka markii ay xukunka dib ula wareegeen sannadkii hore. Laakin wixii markaas ka dambeeyay kooxda islaamiga ah ee waxay si joogto ah u caburisay xoriyada. Xaquuqda haweenka ayaa ka id ah waxyaabah aaska loo xaddiday.Xigashada Sawirka, AFGHAN ISLAMIC PRESSHogaamiyaha ugu sareeya ee Taliban ayaa sheegay in garsoorayaasha ay waajib ku tahay in dambiilayaasha ay ku ciqaabaan shareecada, haddii dambiga la galay uu xadgudub ku yahay shareecda Islaamka.Akhundzada, oo aan muuqaal iyo sawir laga qaadin isla markaana meel fagaare ah lagy arkin tan iyo markii ay Taliban ku soo laabatay xukunka bishii Ogoosto ee sannadkii hore, ayaa digreetadaan ka soo saaray Kandahar, oo ah goobta wadaadkan saldhigga u ah.Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay galinkii dambe ee Axadii in amarka “waajibku ah” uu yimid kadib markii Mullah Akhundzada uu la kulmay koox garsoorayaal ah. “Si taxadar leh u baara faylalka tuugada, afduubayaasha iyo fidno-wadayaasha,” Mujaahid ayaa hadalkan ka soo xigtay Akhundzada.Dambiyada iyo ciqaabta saxda ah ma aysan qeexin Taliban, laakiin mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta ee Afgaanistaan ​​ayaa BBC u sheegay in shareecada Islaamka, ay qabato ciqaabo ay ka mid yihiin goynta gacmaha ama lugaha, karbaashka iyo ku dilista dhagxa.“Kani waa xukunka shareecada, fulintiisuna waa waajib”. ayuu yiri Hibatullah.Amarkan ayaa noqonaya mid ka id ah  tallaabooyinkii ugu adkaa oo ay  Taliban qaadayso, kaasoo dadka qaar u arkaan tallaabo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.Xigashada Sawirka, ReutersToddobaadkii hore Taliban ayaa haweenka ka mamnuucay inay tagaan dhammaan goobaha fagaarayaasha ah ee loo tamashlaha tago ee Kabul.Waxa tan iyo markii ay soo shaacbaxday mamnuuciddas dumarka caasimadda ku nool ay u weecdeen goobaha jimicsiga, in kasta oo tan dambe ay soo jiidatay haween tiro yar. Gelitaanka gooobaha nasiinada loo tago, iyo jimicsiga ayaa horeba loogu kala soocay ragga iyo dumarka. Heerarka rabshadaha ayaa hoos u dhacay guud ahaan Afgaanistaan tan iyo markii ciidamada shisheeye ay isaga baxeen dalkaas 20 sano oo dagaal ah kadib, iyadoo bartamihii sanadkii 2021-kii ay Taliban la wareegeen.Laakin kooxda ayaa la kulantay eedeymo badan oo ku saabsan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida kuwa ay wajahaan, haweenka iyo suxufiyiinta. Horey ayay Taliban wacad ugu martay inuusan jiri doonin cadaadis arxan darro ah oo la saaro haweenka sidii jirtay markii ay xukunka haysay kooxdu 1996-2001, balse kala bar dadka ayaa wajahaya caqabado adag oo ku aaddan waxa ay qaban karaan.Haweenka ayaa laga joojiyay safarrada maxram la’aanta ah.Gabadha yaryar ayaan iyaguna wali ku noqon inta badan iskuullada dalka , inkastoo ay Taliban ballan qaadday in ay u oggolaanayaan gabdhaha sii wadashada waxbarashadooda. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana qaar ka mid ah haweenka waxay ka shaqeyaan xaruumaha sida caafimaadka, io waxbarashada, waxaana intooda badan loo sheegay in aysan tagin shaqooyinka markii Taliban ay xukunka la wareegtay.Bishii May waxaa lagu amray haweenka in ay xiraan indho-shareer marka ay tagayaan goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan.Haween isugu soo baxay muddoharaadypo ay ku dalbanayeen xuquuqdooda ayaa la garaacay .Boqollaal bilyan oo doolar oo ah nati reer Afghanistan ayaa dibadda ku xayiran, iyadoo beesha caalamku ay shardi uga dhigtay oofinta ballanqaadyadii Taliban ee ahaa dhowrista xuquuqda aadanaha iyo ammaanka.


Like it? Share with your friends!