0

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqon doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee xilli ciyaareedka premier League kulan ka dhici doona garoonka Turf Moor.

Arsenal ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay guul uga gaadhi lahayd kooxda Burnley sidaasna ku gaadhi lahayd guushii 2-aad ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Dhanka kale kooxda Burnley ayaa doonaysa in ay xaalka ku xumayso Arsenal waliba dhabarka u saarto guuldaradii 4-aad ee xilli ciyaareedka premier League

Kulanka: Burnley Vs Arsenal

Tartanka: Premier League:

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Turf Moor

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 8 gool 7-dii kulan ee uu ka hor tagay Burnley premier League. Kaliya kulankii Hamburg (sagaal) ayuu ka dhaliyay goolal ka badan Kulamada horyaalka.

Kaddib 10 guuldarro oo xiriir ah oo horyaalka ah oo ay kala kulmeen Arsenal, Burnley hadda waa guuldarro la’aan saddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka horyimaadeen Gunners.

Arsenal waa guuldarro la’aan sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay u safartay Burnley, guuldaradii ugu dambeysay ee dhadhamisay Turf Moor bishii December 1973.

Burnley waa guul la’aan 12 -kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda (6 -barbaro iyo 6 -guuldarro), waana intii ugu badnayd ee ay bilaa guuldaro ku ahaayeen garoonkooda taariikhdooda.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *