Ilahaw Aqoon Daro Ha Igu Cadaabin Eexna Ha Igaga Tagin.


Spread the love
Dadka qofka dhinac qudha raacsani waxay cadeyn u tahay inuu yahay qof xumaanta jecel. Iyo ku jiqsiida

Si fiicanban u dhagaystay xinif iyo gudidii baarlamaanka

Waxanan u qiimaynayaa si ka madhan caadifad xisbi iyo qof jeclaysi

1. Xildhiban tima jilic si fiicanbuu u waydiyay sualo la xidhiidha
shaqada hayada barakacayaasha, si fiicana wuu ugu jawaabay.

2. Kadib xildhiban laga soo doorto madheera si fiicanbuu u weydiiyay
suaalo la xidhiidha shaqada xinif, HALKAAS WAXA KHALDAMAY XINIF OO SI
PROFISIONAL AH UMUU JAWAABIN. maad meelaha kalaba na weydiisid ma reerkiinad na
weydiinaysaa, waa khalad, oo xildhibanku dadka uu u hadlayaa waa bulshaduu ku
matalo xildhibannimada.

3. Gudomiyaha gudida ayaa weydiiyay sualo iyagana wuu ka jawaabay, in
kasta oo la soo dhex galay oo xinif si boodsan u hadlay. Oo Siciid sokeeyaa
khaldanaa oo jawabtii oo socota soo dhex galay.

4. Sualaha Mohamed abiib a) suashiisa koowaad saxbay ahayd isagoo shaqale
dawladeed ah in aan loo ogolayn inu si weyn uga dhex muuqdo xisbiyada oo
hawlbuu qaranka iyo shacabka u hayaa.

B) Suaasha dadka la rarayo ee statehouseka totally Mohamed abiib siduu u
weydiiyay khaladbay ahayd, waayo shacabka dawladaa ka masuula haduu statehouse
gubto ilahay ha inaga hayee waa isku raran.

Suaasha ciro ayaad shir ka sheegtay waa khalad ee oo waxay u muuqanaysaa
inuu af xisbi ku hadlayay oo ta hore ee sharciga ayaa kaga filayd.

C) 2008 kii wuxu Burco ka sameeyay xinif meeshaba may oole waxay u
muuqatay in loo soo dhiibay suaashaas.

Ugu dambay Maadaama oo uu xinif yidhi si masuuliyad leh ii dhagayso, ma
ahayn in uu Mohamed Abiib ka cadhoodo oo uu bax ku yidhaa. IGA DHAN, EE MA
DHINACBAAN RAACAY MISE SI DHEX AH AYAN U FALANQEEYAY.

 

W/Q: Keyse H. Gabobe


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments