Immisa Xabo Oo Toon Ah Ayuu Qofku Cuni Karaa Maalintii?


Spread the love

Tarjume: Ustaad Siciid Xagaa Afrax

 
Toontu way wanaagsan
tahay, laakiin ha cunin wax badan. WHO waxay ku talinaysaa in la cuno 1 ilaa 2
xabo oo toon ah maalintii.

Cunista xaddi badan
waxay keeni kartaa calaamado ay ka mid yihiin calool xanuun, shuban, dibiro,
iyo ur xun.

 
Toontu waa
nafaqo-cufan, iyadoo halkii xabo toon ah oo cayriin ah ay ka kooban tahay 15
kalori, 3 garaam oo karbohaydrayt ah, 0.58 garaam oo borotiin ah, 2.85 mg oo
fitamiin C ah, 1.29 mg oo selenium ah, iyo 0.15 mg oo bir ah.

Cilmi baaris cilmiyeed
ayaa cadaysay in cunista toonta cayriin oo kaliya ay kor u qaadi karto
faa’iidooyinka caafimaad ee toonta.

 
Toonta waxaa ku jira
alliin. Allicin, oo ah maaddada ugu muhiimsan ee toonta ku jirta, waxa ay
leedahay shay-bakteeriyayaal xooggan iyo dawo-bararka kuwaas oo kor u qaadi
kara difaaca dabiiciga ah ee jidhka, kor u qaadi kara hab-dhiska difaaca iyo
hagaajinta caafimaadka guud.

 
Toonta waxaa loo arkaa
cunto cimri dheer. Marka la eego qiimeynta cuntooyinka cimriga dheer ee
adduunka, toonta ayaa ku jirta kaalinta labaad.

Jarmalku waxay si gaar
ah u jecel yihiin inay cunaan toonta cayriin, waxay cunaan 8000 oo tan oo toon
ah sannadkii.

 
Daraasad ayaa leh
Jarmalku waa mid ka mid ah wadamada ugu cimriga dheer aduunka, celcelis ahaan
cimrigiisu waa in ka badan 80 sano. Jarmalku waxay aaminsan yihiin in
cimrigoodu uu si dhow ula xiriiro isticmaalka toonta.

 
 
Tarjume: Ustaad Siciid
Xagaa Afrax


Like it? Share with your friends!