Ina Kaahin Waligii Muu U Ciidamin Ciddiisa!


Spread the love
W/Q: Abdirasaq Mohamud

Markuu SNM ahaa waxaa
ku shaqaysan jirtay saraakiisha Galbeedka oo mucaarid ku ahaa Guddoomiyii SNM
ee ugu muddada dheeraa ee Axmed Siilaanyo, isagoo markaas ka tirsanaa garabkii
Calancasta loo yaqaanay.

 

Markii uu kulmiye ku
biirayna wuxuu afkiisa ka yidhi, waxaan ugu biiray si aan lay oran abtigii
Cigaal ayuu ka soo horjeeday ee Udub mabda’ kuma aannu diidanayn.

 

Kolkii danbe ee
Siilaanyo xukunkii ku guulaystay waa kii mar kale haddana Ina Biixi daba
nashleeyey ee u dhaga dhagayn jiray galdaloolooyinka Xukuumadda, una sameyn
jiray khiddooyinka iyo shaqooyinka Muuse iskala hanka weyn yahay (his dirty
jobs).

 

Maantana waxuu u
qabto cod bixiyaashiisa  (constituency)
ha joogtee,  juhdigiisa u weyn wuxuu
geliyaa la dagaallanka Xirsi & Xaashi, isagoo mar kale abbaan (foot
soldier) u ah Ina Biixi.

 

Maxamed Kaahin Axmed
Ildab jilibka uu ka soojeedo, oo aannu isku deegaan iyo ceeshow milix nahay,
wuxuu ahaan jiray laf dhabarta beel weynta Habar Jeclo; marka loo eego faraha,
dhiiranaanta, haybadda, hanka sare & dhaqalaahaba.

 

Maanta se
deegaannadoodu waa kuwa ugu dib-u-dhacsan dhan kasta oo loo eegaba. Waxaana
eedda koobaad leh Maxamed Kaahin oo budhtuure u ah soddon sannadood, laakiin
aan bilaale u cadayn, oo nasiibdarro noqday awr dad kale rarto oo u ciidamiya cid kale.

 

Kuwo ayaa ku dooda
wuxuu noqonaya Guddoomiyaha Kulmiye, oo dabadeed madaxweyne ayuu uga sii
dallacayaa! Ha yeeshee doodaasi waa mid aan waaqiciga ku fadhiyin, caqli
ahaanna aan la sababayn karin (illogical).

 

Waayo, kow, isaga
ayaaban hankaa lahayn run ahaantii. Laba, dhaqaallaheedii ma hayo (cid
maalgashanaysaana ma muuqato). Dabcan da’diisu na uma  saamaxayso marka loo eego duruufaha ku xeeran
iyo kalkiisii oo aanay ahayn.

 

 

Runtu
ma fantaa?

Abdirasaq
Mohamud

[email protected]


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments