0

Mid ka mid ah xiddigha Liverpool ayaa ku biiray liiska dhawacyada ka dib markii lagu haleelay kulan qarankiisa ka ciyaarayeen ee is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka

Kulamada fasaxa qaramada waxaa horay Liverpool uga dhawaacmay Mane iyo Henderson oo qaramadooda lagu haleelayay .

Haatan , xiddigooda garabka ee Andrew Robertson ayaa ku dhaawacmay kulankii qrtaankiisa Scotland la ciyaaareen Denmark waana ku adkaatay in ciyaarta uu dhameysto xilligaas oo qarankiisa ku badiyeen laba gool oo nadiif ah .

Daqiiqadii 79-aad ayaa laga saaray waxa uuna u muuqdaa dhaawacaas mid culus inkastoo weli qaranka Scotland aysan war ka soo saarin xaaladiisa

Waxa ay wararka qaar sheegayaan in laacibka uu dhawacaas la maqnaan karo ugu yaraan sedex todobaad marka la eego jugta gaartay

Sidaa darteed liiska dhaawacyada Liverpool waxa ay gaarayaan illaa iyp 8 oo kala ah Mane , Henderson , Kaite , Firminho , Milner , Curtis Jones iyo Harvey Elliott kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan qaba


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *