Instagram: Dadka da’dooda ka beensheega oo dhowaan la ogaan doono


Spread the love

Teenager films herself dancing for a social media post

Xigashada Sawirka, Getty Images

Instagram ayaa qorsheyneysa qaabab ay da’yartu u xaqiijinayaan da’dooda si waafaqsan shuruucda bartan.

Bartan oo ay leedahay Meta ayaa tijaabineysa muuqaallada la iska duubo oo lagu sameynayo falanqeyn da’da ah.

Dadka isticmaala Instagram qaarkood ayaa isku daya inay ka been sheegaan sharciga bartan ee ah in qofku ka weyn yahay 13 sano iyagoo iska dhiga kuwo ka weyn 18 jir.

Balse dhalinyarada Mareykanka ayaa loo soo bandhigi doonaa saddex hab oo ay da’dooda ku xaqiijiyaan: inay barta geliyaan kaarkooda aqoonsiga, in saddex qof oo qaangaar ah ay ka codsadaan inay u xaqiijiyaan iyo inay muuqaal iska duubaan.

Meta ayaa sheegtay inay rajeyneyso qaabab cusub oo lagu xaqiijinayo in dhalinyarada ay raacaan shuruucda da’da ee u degsan Instagram.

Bartan ayaa hore waxaa loogu cambaareeyay badqabka da’yarta iyo carruurta.

Dhowr gobol oo ku yaalla Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafay baaritaan ku sameeyay Instagram sababo la xiriira waxa ay da’yartu kala kulmaan.

Waaliddiinta dhalinyarada isticmaala Instagram ayaa horraantii bishan la siiyay qaabab dheeraad ah oo ay ula socdaan waxa ay carruurtooda ka qabtaan Instagram.

Waxay haatan awoodaan inay waqti xaddidan u sameeyaan ayna eegaan waxa ay carruurtoodu ku wadaagaan bartaas.

Muuqaallada la iska duubo iyo xaqiijinta

Muuqaallada la iska duubo ayaa noqday kuwo caan ah oo qaab xaqiijin ah waxaana isticmaala bankiyada iyo shirkado kale si qofka da’diisa loo xaqiijiyo.

Instagram ayaa haatan isticmaala muuqaallada la iska duubo oo qofku ku xaqiijin karo da’diisa haddii uu akoonka ka xirmo.

Meta ayaa heshiis la gashay barta xaqiijinta ee UK laga leeyahay ee Yoti, taas oo qofka wajigiisa ka garaneysa da’diisa.

Yoti ayaa sheegtay in dadka si qarsoodi ah loo baarayo wajigooda iyo taariikhda da’dooda, iyadoo aan xog kale laga rabin.

Meta ayaa sheegtay in labada shirkadoodba ay tirtiri doonaan sawirka qofka kaddib marka da’diisa la xaqiijiyo.

Badqabka lagu dareemo baraha bulshada

Dr Ysabel Gerrard, oo bare warbaahinta casriga ah iyo bulshada ka ah Jaamacadda Sheffield, ee UK ayaa sheegtay in habka cusub ee xaqiijinta da’da ee Instagram ay yihiin kuwo dheeraad ah oo ka baxsan in qofka la weydiiyo oo keliya inuu meesha geliyo kaarskiisa aqoonsiga.

Balse waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in la is weydiiyo sababta da’yarta ku kallifeysa marka horeba inay sameystaan akoonno ay isaga dhigayaan dad waaweyn.

“Badankood ayaa Instagram ka sheega inay ka weyn yihiin 18 sano si aysan wax xun u sameyn amaba u daawan wax xun,” ayay tiri Dr Gerrard.

“Inay qof weyn isku diwaangeliyaan waxay ka dhigeysaa inay dareemaan ammaan sababtoo ah uma maleeyaan in la beegsan karo.”


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments