‘Inta uusan isdilin ka hor wuxuu ii sheegay sababta’


Spread the love
Askari

Immaculate Wiziri, waxay la tacaalaysaa murugada ay ka qaadday geerida ninkeeda, waxayna dareemeysaa in ay dayaceen booliska Kenya oo uu la shaqayntooda aad ugu faani jiray.

Ninkeeda oo ay isla soo jaan qaadeen ilaa yaraanteedii, Jacob Masha, oo 32 jir ahaa, ayaa isdilay bishii January – xilli uu shaqada fasax ka ahaa ayuu isku dilay hub ay booliska lahaayeen.

Balse maadaama uu ku dhintay ficil uu iskiis u sameeyay, waajibaadka shaqadana uusan ku dhex jirin, boolisku ma aysan siinin wax la talin ama caawinaad kale ah qoyskiisa dhibaatada la kulmay.

BBC-da ayaa taliska booliska Kenya waydiisay inay ka hadlaan arrintan, balse wax jawaab ah ma aysan bixin.

Tan iyo markii ay cunuggoodii ugu horreeyay dhaleen sanadkii 2007-dii, lamaanahan waxay si wadajir ah ugu noolaayeen magaalo xeebeedka Malindi.

Si la mid ah kumannaanka kale ee ka tirsan booliska Kenya, Masha waxa uu la daalaa dhacayay dhibaatooyin la xiriira caafimaadkiisa xagga dhimirka.

Sidaasoo ay tahayna qoyskiisa iyo saaxiibbadiis midna lama uusan kaashanin culaysyada uu wajahayay iyo cadaadiska ka haystay shaqada, oo uu billaabay markii uu iskuulka ka baxay isagoo 18 jir ah.

Qoraalka sawirka,

Immaculate Wiziri waxay isku daydaa inay murugteeda ka qariso carruurteeda

Iyadoo ka hadlaysay geerida saygeeda ayay Wiziri sheegtay in uu dhowr jeer u sheeg in uu daalka ka tan batay.

“Mararka qaar waxa uu ii sheegi jiray in ay shaqada ku adkayd, oo xitaa uusan heli jirin waqti uu ku nasto,” ayay tiri.

“Wuxuu iiga sheekeyn jiray in shaqadiisu ay aad u badnayd, waxyaabo badanna laga rabay, si isdaba joog ah ayuuna shaqada ugu laaban jiray. Waxaan kula talin jiray in uu iska dul qaato sababtoo ah mar unbaad heleysaa wax sidaas ka fiican.”

Balse shaqada booliska ayaa mar walba ahaan jirtay riyadiisa, laga sii billaabo markii ugu horraysay ee aan kulannay, oo ay da’deennu ahayd 15 sano.”

“Ilaa inta aan xasuusan karo, wax kale oo mustaqbalkiisa ku saabsan kama uusan hadli jirin. Isaga ayaan ku faani jiray anigana, waana taageeri jiray go’aannadiisa,” ayay tiri iyadoo illinta iska celinaysa.

Dhibaatada haysata booliska

Waxay u muuqataa in taliska booliska Kenya uu ka warqabo dhibka haysta ciidanka.

Goor sii horraysay oo sanadkan gudihiisa ah, taliyaha booliska ayaa sheegay in 2,000 oo ka mid ah askartiisa la ogaaday inaysan caafimaad buuxa u lahayn sii wadidda shaqada, maadaama ay qabaan xanuunno dhanka dhimirka ah.

Tirada guud ee ciidamada booliska Kenya ayaa ah qiyaastii 100,000 oo askari.

Sida lagu sheegay xogtii ugu dambaysay ee la aruuriyay, waxaa jiray 57 askari oo ka tirsan booliska oo isdilay sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa.

Ilaa hadda sanadkan gudihiisana, waxaa lasoo tabiyay in bil walba uu ugu yaraan hal askari isdilo. Bilaha qaarkood, sida April waxaa dhacay dhowr dhimasho oo kusoo beegmay hal isbuuc gudihiis.

Xogta la xiriirta wixii ka horreeyay 2021-kii lama heli karo, balse dhibaatada ayaa u muuqata mid sii kordhaysa, waxaana taas sharraxaya sababta ay taliska booliska u abuureen laan cusub oo la tacaasha xanuunnada dhimirka ee booliska dhexdiisa ka jira.

Waaxdaas ayaa sidoo kale bixisa adeegyo la talin ah, waxaana la doonayaa in abuuro dhaqan ay askarta u yeeshaan in mid walba uu ka hadlo caqabadaha haysta.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments