Irbil: Maxay ahaayeen Gantaallada saaka ku dhacay Ciraaq?


Spread the love

Gantaallo

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Magaalada Irbil ee caasimadda u ah gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq ayaa saaka hurdada uga kacday qaraxyo ka dhashay gantaallo kusoo dhacay.

Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray iyo bartilmaameedkooda.

Irbil waxaa ku yaalla saldhig ay leeyihiin militeriga Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.

Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan.

Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar cadho xooggan kiciyay” balse waxa uu sheegay in uusan wax khasaare ah gaadhin dadka Mareykanka ah, burburna aan loo geysanin xarumaha ay dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Irbil.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Ciraaq ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda la dagaallanka argagixisada ee gobolka Kurdistan oo sheegaya in 12 gantaal oo laga soo tuuray dibadda ay ku dhaceen magaalada Irbil.

Ilaa hadda wax sharraxaad ah lagama bixinin meelaha ay gantaalladan ku dhaceen.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan sladhigga ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Irbil ayaa horay ula kulmay weerarro gantaallo ah iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, kuwaasoo ay saraakiisha Mareykanka mas’uuliyaddooda ku eedeeyeen kooxo taabacsan dowladda Iiraan.

Hase ahaatee weerarrada noocan ah ma aysan dhicin dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciraaq iyo waddanka deriska la ah ee Suuriya ayaa si joogto ah ula kulma saameynta ka dhalata qalalaasaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Maleyshiyaadka shiicada ah ee taageera Iiraan ayaa horay militeriga Mareykanka ugu weeraray labada waddanba gudahooda, xukuumadda Washington ayaana dhankeeda ku aargoosatay duqeymo xagga cirka ah.

Markii ugu dambeysay ee gantaallada riddada dheer lala beegsaday ciidamada Mareykanka waxay ahayd bishii January ee sanadkii 2020-kii – tallaabadaas oo ahayd aargoosigii Iiraan ee daba socday dilkii uu Mareykanka u geystay taliyihii militeriga Iiraan, Qaasim Suleymaani, oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Baqdaad.

Ma jirin cid ka tirsan askarta Mareykanka ama shaqaalahooda kale oo lagu dilay weerarkaas dhacay 2020-kii, base qaar badan oo ka mid ah askarta Mareykanka ayayay soo gaadheen dhaawacyo dhanka madaxa ah.

Duqeyn ay Israa’iil ka fulisay Suuriya maalintii Isniinta ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan militeriga Iiraan, sida ay isbuucan tebiyeen warbaahinta ku hadla afka xukuumadda Tehran.

Taliska militeriga dalkaas ayaa wacad ku maray in ay aargoosi sameyn doonaan, sida ay warbaahinta sheegeen.

Saraakiisha gobolka Kurdish-ka wali ma aysan ku dhawaaqin cidda weerarka gantaallada ah kusoo qaadday. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in aysan jirin wax duullimaadyo ah oo laga carqaladeeyay garoobka Irbil.

Dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Irbil ayaa maanta baraha bulshada ku shaaciyay muuqaallo badan oo muujinaya qaraxyada gantaallada, qaarkoodna waxa ay sheegeen in qaraxyadu ay gilgileen guryahooda.

Hase yeeshee wakaaladda wararka ee Reuters oo xogtan daabacday ayaa sheegtay in aysan xaqiijin karin saxnimada muuqaalldaas.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments