Is-dultaag Kooban: Tacliinta Sare ee Somaliland


Spread the love

Marka laga hadlayo Tacliin sare waxaa markasta

Dal kasta meesha u soo saarta dadka
horumarkiisa ka shaqeeya & shaqaalaha uu u baahan yahay waa Tacliintiisa
sare. Tacliinta sare waa halka ka qayqaadata soosaarista xirfadlayaasha dalku u
baahan yahay, hal-abuurka iyo mufakiriinta bulshada, hogaamiyayaasha siyaasadda
iyo bulshada, cilmi baadhayaasha xal u helida dhibaatooyinka bulshada iyo
horumarkeedaba. Sidoo kale waxay ka qaybqaadataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo
waxsoosaarka. Sidaas darteed ayay tahay dawlad kastaa in ay muhiimadda koowaad
ka dhigato sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada dalkeeda guud ahaan iyo ta
sare gaar ahaan.

Somaliland waxaa ku yaalla 30 jaamacadood
in ka badan iyo tiro intaas ka badan oo kulliyado ah, kuwaas oo dhammaantood bixiya
tacliinta sare iyo aqoonta la xidhiidha, kuwaas oo ku kala baahsan goboladda uu
dalku ka koobanyahay. Guud ahaan waxaa dhigta xarumahaas dhalinyaro ka badan 50
kun oo arday oo dhigta qaybaha kala duwan ee cilmiga oo dhammaantood loo baahan
yahay in qaybaha ay dhiganayaan iyo takhasusaadkoodaba ay dalka wax ugu qabtaan
si la mid ah sida ay u doonayaan in ay nafahooda iyo qoysaskoodaba wax ugu
qabtaan. Sidaa daraadeed, taasi waxay ku tusaysaa muhiimadda ay leedahay in
culayska la saaro xarumahaasi qaybaha cilmiga ah ee ay dhigayaan lagu saleeyo
baahida dalka iyo aqoonta qof & qaranba waxtarka u leh.

Marka laga hadlayo Tacliin sare waxaa
markasta ku lammaan Cilmi-baadhis iyo keenista hal-abuur cusub. Haddaynu
Cilmi-baadhista soo qaadanno waxay ahayd in jaamacadaheena iyo aqoonyahanka
dalka wax usoo bartay ama imika ku jiraa ay sameeyaan Cilmi-baadhisyo wax ka
qabanaya dhibaatooyinka kaladuwan ee bulshadeena haysta sida; qabyaaladda,
abaaraha, musuqmaasuqa, maamul xumada, jahliga, faqriga, qaadka Iwm. Waxa ay
sidoo kale ahayd in ay Cilmi-baadhis ka sameeyaan jaamacadaheenu dhinacyada
kala duwan ee horumarka dalku u baahan yahay sida; dhaqaalaha, Xoolaha,
Beeraha, Ganacsiga, Tiknoolajiyadda, Tamarta, Warshadaha, iwm.

Ugu
dambayntii, waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkan kooban dhawr su’aalood oo
aan iswaydiinayay lagana yaabo in dad badan oo ila mid ahina jiraan, kuwaas oo
ka hadlaya Tacliinteenna sare iyo xaaladda ay ku jirto, waxaanay yihiin sidan
soo socota;

1. Goorma ayaa la gaadhi doonaa in
tacliinteena sare ee jaamacaduhu ay bixiyaan lagu barto afka Soomaaliga?. Ku
darsoo dal kasta oo adduunka horumar gaadhay waxay wax ku bartaan afkooda
Hooyo. Halka aynu maraynaana imika waxa weeye in caruurteenii barbaarinta
luuqadda ingiriisida wax loogu dhigo dugsiyada badankooda, halka dhammaan
dugsiyada sarena wax lagu bartaa ay tahay dhigo luuqadda Ingiriisida &
Carabida.

2.
Ma jirtaa Cilmi-baadhis ay sameeyeen aqoonyahankeena ama jaamacadaheennu oo
waxqabad la taaban karo oo ay bulshadeena ku soo kordhisay ama xal u heshay
dhibaato ina haysata?. Ku darso oo sannad kasta waxaa jaamacadaha ka baxa
kumannaan arday oo dhammaystay qaybaha kala duwan ee cilmiga sameeyana
Cilmi-baadhisyo si ay u qoraan buugooda qalinjabinta. Hadaba,
Cilmi-baadhisyadaasi ma yihiin qaar laga faa’iidaysto? Mise ardayga, jaamacadda
iyo qarankaba maalintaas ayaa ugu dambaysa kumannaankaas Cilmi-baadhisyo oo
noqon kari lahaa xalalka, iyo furayaasha horumar kasta oo bulshadu u baahan
tahay?.

3.
Dhibaatada Cilmi-baadhis ta ardayda ka haysata ee ugu wayni waa luuqadda
Ingiriisida oo aanay si wanaagsan u aqoonin. Sidaas darteed miyaan loo baahnayn
in ardaydu Cilmi-baadhista ku soo qoraan afka Somaliga iyada oo ay raacayaan
habka ugu habboon ee loo qoro?. Tani waxay keeni lahayd in ardaydu sameeyaan
Cilmi-baadhisyo marka hore iyagu fahansan yihiin waxay ka rabaan, marka xigana
luuqada ay sida ugu wanaagsan ugu fakari karaan ku soo qoraan iyaga oo
tixraacyada ay soo xigtaana turjumaaya.

4. Suurtogal ma tahay in tacliinteena sare
iyo baahiyaheena bulsheed ama horumarineed la isku beego, si dadka inooga soo
baxaya jaamacadaheennu ay u noqdaan qaar sida ugu habboon waxtar inoogu noqda?.
Tusaale ahaan anigu waxaan ka mid ahaa macallimiintii ugu horraysay ee lagu soo
tababaray Jaamacadda Camuud burburkii ka dib, waxaanan ka mid ahaa barnaamij 20
sano ka hor bilaabmay oo dadkii ka soo baxayna bulshada Soomaaliyeed oo dhami
sidii ugu habboonayd uga faa’iidaysteen. Jaamacadda Camuud macallimiin ka soo
baxday ayaad ugu tagaysaa deegaan kasta oo Soomaali dagto cidhif ilaa cidhif.
Sidaas si la mid ah ayaa qorshe ballaadhan oo dhan kasta ah laga diyaarin karaa
ardayda jaamacadaha galaysa haddii loo hawlgalo Ilaahayna JWC la talo saarto.

Gelin looma wada sheegi
karo, xaajo geda weyne
Gawdiidka iyo quusta waa,
lagu gumoobaaye
Mar haddaan hillaab lagu
gudbayn, giriftan mooyaane
Gabgabteedu waa xubin
intay, gawrac leedahaye
Geeddiga cagaa daaliyaa ,
lagu geyoodaaye
Gellimaadka hayskaga
jirtiyo, goosan habaqlaaye
Gubuxsiga mar uun bay
tirsiga, meel ka soo geliye
Gargaraaciddeediyo ha
deyn, geed ka didinteeda
Gudgude,
Hadraawi IHN

ALLAA
MAHAD LEH

CABDIFATAAX
RASHIID MAXAMED
Hargeysa,
Somaliland


Like it? Share with your friends!