0

A woman blows a trumpet ahead a procession to mark the victory at the Battle of Adwa - March 2021, Addis Ababa, Ethiopia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadka reer Itoobiya waxay maanta u dabaaldegayaan curashada sanadkooda cusub, in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin ay keeneen sicir -bararka iyo dagaallada iyo sidoo kale dhibaatooyinka gaajada ee ka jira waqooyiga dalka. Wax badan ka ogow jadwalka gaarka ah ee Itoobiya iyo hidaha dhaqanka.

1) Sannadkooda waxa uu ka kooban yahay 13 bilood

Intaas oo keliya maahee – jadwalka taariikhda Itoobiya ayaa sidoo kale toddoba sannadood iyo siddeed bilood ka dambeeya jadwalka reer galbeedka, taas oo ka dhigaysa in maanta Sabtida ah uu u bilowdo sannadka 2014.

Sababtoo ah waxay Itoobiya si ka duwan u xisaabisaa sannadka dhalashada Ciise Masiixi. Markii Kaniisadda Kaatooligga ay wax ka beddeshay jadwalka sannadkii 500 ee AD, Kaniisadda Orthodox ee Itoobiya waxba ma aysan baddalin.

Markaa sannadkooda cusubi wuxuu ku bilowdaa 11ka Sebtember ee jadwalka reer Galbeedka, ama 12ka Sebtember.

Qoraalka sawirka,

Dad ka soo jeedo qowmiyadda Oromada oo u dabbaal degaya munaasabadda Irreecha

Si ka duwan sida carruurta ku koraysa meelaha kale, waxaa aad u yar baahida loo qabo in dhallinyarada Itoobiya ay bartaan heesaha ku saabsan sannadka si ay u xasuustaan ​​inta maalmood ee bil kasta ku jirta.

Itoobiya waa wax fudud: 12 bilood mid walba waxay leedahay 30 maalmood halka bisha 13 -naad ee sanadka ugu dambeeysana ay leedahay shan ama lix maalmood.

Waqtiga ayaa sidoo kale loo tiriyaa si ka duwan – iyadoo maalinta loo qaybiyey laba meelood oo ah 12 -saac ah laga bilaabo 06:00, taas oo ka dhigaysa labada duhurnimo iyo saqda dhexe lixda saac ee waqtiga Itoobiya.

2) Wadanka kaliya ee Afrika ku yaalla ee aan waligiis la gumaysan

Talyaanigu wuxuu isku dayay inuu ku duulo Itoobiya, ama Abyssinia oo ah magacii loo yaqaanay, 1895 -tii, waa markii quwadaha reer Yurub ay kal qeybsanyeen qaaradda Afrika balse Talyaaniga ayaa Itoobiya kala kulmay guuldarro bahdilaad ah.

Talyaanigu wuxuu ku guulaystay inuu gumeysto dalka deriska la ah ee Eritrea kadib markii shirkad maraakiib Talyaani ah ay iibsatay dekedda Casab ee Badda Cas.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse dhawr sano ka dib markii Talyaanigu isku dayay inuu sii riixo Itoobiya, waxaa lagu jabiyay Dagaalkii Adwa. Afar guuto oo ka tirsan ciidamada Talyaaniga ayaa saacado gudahood lagaga adkaaday 1 -dii Maarso 1896 -dii gaar ahaan Itoobiyaankii ka hoos shaqayn jiray Boqortooyadii Menelik II.

Talyaanigu waxaa lagu qasbay inuu saxiixo heshiis lagu aqoonsanayo madax -bannaanida Itoobiya – in kasta oo tobannaan sano ka dib uu hoggaamiyihii faashiistaha Benito Mussolini ku xadgudbay heshiiskaas, oo uu dalkaas haystay shan sano.

Mid ka mid ah ragii bedelay Menelik, waa Haile Selassie, ayaa ka faa’iidaystay guushiisii ​​Talyaaniga isaga oo dabada ka riixayay bilowga Ururka Midnimada Afrika (OAU), oo hadda ah Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

“Xorriyaddeennu micno ma yeelanayso haddii dadka Afrika oo dhami aysan xor ahayn,” ayuu Selassie ka sheegay furitaankii OAU 1963 -dii, xilligaas oo inta badan qaaradda ay weli maamulayeen quwadaha reer Yurub.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxa uu tababar ku casuumay kuwa hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah gumaysiga – oo uu ku jiro Nelson Mandela oo u dagaallamayay xornimada Koonfur Afrika oo la siiyay baasaboor Itoobiyaan ah, kaas oo u oggolaaday in uu Afrika ku dhex wareego 1962-dii.

3) Rastafariyiinta waxay caabudaan Boqor Haile Selassie

Waxaa laga soo xigatay xigasho 1920 kii timid hogaamiyaha xuquuqda dadka madow ee Jamaican Marcus Garvey, oo ka dambeeyay dhaqdhaqaaqa Back to Africa: “Fiiri Afrika, marka boqor madow la caleemo saari doono, waayo maalintii samatabbixintu waa dhowdahay.”

Toban sano ka dib, markii 38-jirka Ras Tafari (ama Chief Tafari) loo caleemo saaray Haile Selassie I ee Itoobiya, in badan oo ka mid ah Jamaica waxay u arkeen tan inay tahay hadalka saadaashaa oo rumowday, waxaana dhashay dhaqdhaqaaqii Rastafari.

Halyeeygii Reggae ee Bob Marley ayaa kaalin weyn ka qaatay faafinta farriinta Rasta – iyo heesaha uu u qaaday,.

Illaa maanta beel yar oo Rastafariyiin ah ayaa ku nool magaalada Shashamene ee Itoobiya, oo 225km (150 mayl) koonfurta ka xigta Addis Ababa, gaar ahaan dhul uu Selassie siiyay dadka madow ee ka soo jeeda Galbeedka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

4) Hoyga Sanduuqa Axdiga

Dad badan oo Itoobiyaan ah, sanduuqan muqaddaska ah oo ay ku jiraan Tobanka Amar oo Baybalku sheegay in Ilaah usoo dhiibay Muuse ayaanan weli lumin.

Kaniisadda Orthodox ee Itoobiya ayaa sheegaysa in sanduuqa si joogto ah loo ilaaliyo iyada oo lagu keeydiyay Kaniisadda Marwada Mary ee Aksum , halkaas oo aan qofna loo oggolayn inuu arko.

5) Hoyga Muslimiintii ugu horreeya ee meel ka baxsan dhulka Carabta

“Haddii aad tagto Abyssinia, waxaad heli doontaa boqor aan u dulqaadan doonin caddaalad-darrada,” Nebi Muxammed NNKH ayaa la sheegay inuu u sheegay xertiisa markii ugu horreysay ee ay la kulmeen cadaadis qarnigii 7-aad ee Maka.

Waxay ahayd waqtigii nebigu bilaabay khudbadiisii, taas oo noqotay mid aad loo jecel yahay balse oo ay hanjabaad u arkeen hogaamiyaasha aan Muslimiinta ahayn.

Qaadashada taladiisa, koox yar ayaa u kicitimay Boqortooyada Aksum, oo markaas haystay inta badan Itoobiya iyo Eritrea, halkaas oo runtii lagu soo dhoweeyey loona oggolaaday inay ku dhaqmaan diintooda.

Tuulada Negash, oo ah meesha hadda loo yaqaan Tigray, ayaa ah meesha loo malaynayo in tahriibayaashani ay degeen oo ay dhiseen waxa dadka qaar u haystaan ​​inuu yahay masaajidka ugu faca weyn Afrika. Sanadkii hore, masaajidka al-Negashi ayaa la duqeeyay intii uu socday dagaalkii Tigray.

Muslimiinta maxalliga ahi waxay rumeysan yihiin in 15 xerta nebiga ay sidoo kale ku aasan yihiin Negash.

Maanta muslimiintu waxay ka yihiin ku dhawaad ​​34% dadka ku nool Itoobiya oo ka badan 115 milyan.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *