Jaamacadda Carabta Oo Ka Digtay Khatarta Macluusha Somalia, Farriin Deg-Degna Dirtay


Spread the love

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Ghait ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin heerka Macluusha Somalia iyo Warbixintii ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP kaga digtay Khatarta ay Kumanaan Soomaali ah wajahayaan.

Waxa uu intaasi ku daray inay jirto Abaar daran, sicir-bararka maciishada iyo Heerka Nafaqo-darada Carruurta.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi ayaa waxa uu xusay inuu Abu Gaith ugu baaqay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobaleedka inay dedejiyaan Gurmadka degdeg ah ee la gaarsiinayo dadka ku macquulsan Somalia iyo inay Faragelin Degdeg ah ku sameeyaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaalida, si wax looga qabta Xaalladda Abaareed ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta sheegay in la joogo xilligii uu Ururku garab istaagi lahaa Somalia,l xilligan ay wajahan Khatarta Abaaraha iyo Macluusha.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments