Japan : Dalka ay dadkiisa waxbo ka lumin, wixii lumana durba lasoo helo


Spread the love

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse si ka duwan dalalka kale, hadii dalkan uu kaaga lumo teleefonkaaga ama boorsaddaada, waxaa suurta gal ah inaad dib u hesho.

Dhamaan hantida lunta, waxaa lagu keydiyaa xarunta hantida lunta oo ku taalla deegaanka Lidabashi, oo ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Sanadkii 2019-kii, waxaa xaruntaasi la geeyay 4.15 milyan oo ah alaab luntay oo la helay. Isla xaruntaasi, waxaa haatan taalla in kabadan 600,000 oo ah alaab luntay.

Yukiko Igarashi,oo ah madaxa xarunta lagu keydiyo alaabaha lumay, ayaa sheegay in maalin kasta xarunta la keeno 7,700 oo alaabo dad ka lumay ah.

“Tokyo waxay heysaa 20% ee dhamaan alaabaha ku lumay Japan,” ayuu yiri.

“ku dhawaad 90% ee waxyaabaha dadka ka luma, ayaa waxaa ugu badan teleefon, iyadoo dib loogu celiyo shaqsiyaadkii ay ka lumeen.

Waxa labaad ee dadka aadka ugu luma ayaa ah boorso, sida uu sheegay Igarashi, waxaana 70% loo celiyaa dadkii lahaa.

“Sheyga labaad ee aadka u lumo ayaa ah dukumintiyada rasmiga ah ayuu yiri, sida leesinka darawalada, kaararka caafimaadka iyo kuwa lacagta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Alaabo badan oo luma ayaa waxaa la soo celiyaa isla maalinka ay lumaan, balse dadka qaar ayaanan nasiib u yeelan inay helaan waxyaabaha ka luma.

“Badeecaha luma oo aanay dadkii lahaa daneyn ayaa ah dallad oo ah in ka yar 1%. Dadkuna inta badan ma raadiyaan ,” ayuu yiri Igarashi.

Maxay tahay sirta ka dambeysa ku guuleysiga hannaanka dib loogu helo alaabaha luma ee dalka Japan?

Dhamaan alaabaha luma ayaa waxaa loo gudbiyaa saldhigga booliska, kaddibna isla booliska ayaa gudbiya warbixin, ayuu yiri madaxa xarunta lagu keydiyo alaabaha luma.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments