0

Lo’du waxay noqon kartaa kuwa loo tababbaro musqusha si loo yareeyo qiiqa gaaska ee sii kordhaya, ayay cilmi -baarayaashu sheegeen.

Daraasaddan tijaabo ah ayaa laga sameeyay dalka Jarmalka. Saynisyahannada waxay sheegeen in ay u tababbareen xayawaanka in ay isticmaalaan musqul loogu talagalay. Kaadidooda ayaa la ururiyay lana daweeyay.

Maaddada Ammonia ee ku jirta kaadida lo’da, waxay isu rogtaa gaaska loo garanayo nitrous oxide marka ciidda lagu qaso, sida ay khubarada sheegeen.

Guud ahaan dunida oo dhan, qiyaastii 10% gaaska saameeya isbadalka cimilada ee ka yimaada ficillada dadka, waxa uu ka soo baxaa lo’da.

Cilmi-baadhayaasha waxay isku dayeen in ay 16 neef oo lo’ ah baraan sida loo isticmaalo musqusha, waxaana mashruucaan loogu magac daray “MooLoo”, oo ah beer uu leeyahay Machadka Cilmi-baarista ee Bayoolojiga Xoolaha iyo Beeraha.

Lo’da ayaa la geliyay xarunta MooLoo waxaana la siiyay cunto kaadida u badineysa. Intaas ka dib, ayaa la geeyay meel ku xigta xarunta MooLoo ka dibna waa la socodsiiyay si ay u kaadiyaan.

lo’dii ku kaadisay banaanka MooLoo waxaa muddo saddex ilbiriqsi lagu buufiyay biyo. Iyada oo qayb ka ah heerka saddexaad ee tababarka, waxaana la kordhiyay masaafada musqulaha ay isu jiraan.

Gabagabadii 10-kii tijaabo ee tababarka, cilmi baarayaasha waxay ogaadeen in 11 ka mid ah xayawaanka si fiican ay qaateen tababarka musqusha.

“15 ilaa 20 jeer, kaadida celcelis ahaan, lo’da waxay iskood u bilaabi lahaayeen in ay galaan musqusha,” Lindsay Matthews, oo ah cilmi-baare ku lug leh daraasadda, ayaa sidaa u sheegay Radio New Zealand.

“Dhamaadkii, saddex meelood meel ka mid ah lo’dii la tababaray, waxay ku kaadiyeen musqulihii loo diyaariyay,” ayuu yidhi.

Qoraalka sawirka,

Lo’da ayaa la geliyay xarunta MooLoo waxaana la siiyay cunto kaadida u badineysa

“Weylaha waxay muujiyeen heer la qabsi oo u dhigma kan ilmaha, kana sarreeya kan carruurta aadka u yar,” ayaa lagu yiri daraasadda.

Baarayaasha ayaa sheegaya in 80% lo’da ay la qabsato qaabka MooLoo ay horseedi karto in 56% ay yaraato qiiqa ammonia.

Waxa kale oo ay sheegeen in hoos u dhigidda kaadida aagga xoolaha nool ay kor u qaadi doonto nadaafaddooda iyo daryeelkooda.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *