Deeqdani lacageed ayaa ah mid loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanka Soomaalida, iyadoo la xasuusan yahay in wali ay abaartu ka taagan tahay degaanka Soomaalida, oo wali ay roob yaraani jirto meelo badan oo degaanka Soomaalida kamid ah.
Degaanka Soomaalida ayaa waxaa in muddo ahba ka jirtay abaar aad u darnayd, oo dad iyo duunyaba saamaysay, iyadoo billowgii abaarta ilaa hadda ay degaanka Soomaalida soo gaarayeen deeqo kala duwan oo ka kala imaanayay degaannada dalka Itoobiya, dowladda dhexe iyo hay’adaha deeq bixiyayaasha caalamiga ah.
Labada shacab ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa ah labo shacab oo inta badan isu gurmada xilliyada ay dhibaatadu jirto, iyadoo labada degaanna ay yihiin degaanno deris ah, oo wadaaga xuduud aad u dheer.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]