0

Daaficii hore Chelsea ee Joh Terry ayaa daboolka ka qaaday kooxda uu u badinayo in xilli ciyaareedkaan ku guuleysan karto horyaalka Ingiriiska

Horyaalkaas ayaa xaraarad leh xilli ciyaareedkaan waxaana illaa haatan laga ciyaray 12 kulan .

Chelsea ayaa hogaanka ku haysa 29 dhibic xilli City ka sareeyaan sedex dhibic waxaana booska sedexaad ku jirta Liverpool oo laga sareeyo afar dhibic

Wareysi uu siiyay Bein Sport waxa uu John Terry ka yiri ” Liverool waxa ay haystaan xiddigo cajiib ah kuwaasi oo awooda in illa dhamaadkii ay dagaalamaan”.

” Daafac ahaan , Liverpool Van Dijk ayay haystaan waxaana mar waliba is weydiiyaa xiddiga awooda in uu laacibkaan uu ka talabasado, weerar ahaanna waa halis”.

Sidaas oo ay tahay kooxdiisa hore Chelsea ayuu u saadaaliyay in ay ku guuleysan karaan horyaalka xilli ciyaareedkaan.

” Awood ahaan Chelsea xilli ciyaareedkaan waa xooggan tahay iyaga ayaana u badan in ay qaadaan” ayuu sii raaciyay John Terry


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *