0

Kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus ayaa ka mid ah dhowr kooxood oo isha ku haya weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette, sida ay sheegayaan wararku.

30 jirkaan, oo si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates Stadium xagaagii, ayaa waxaa ka harsan wax ka yar hal sano qandaraaskiisa haatan.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Lacazette uma badna inuu cusbooneysiiyo heshiiska Gunners maadaama uu doonayo inuu ku biiro koox u tartameysa koobab.

Kooxaha La Liga ee Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa sidoo kale la rumaysanyahay in ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga iyaga oo waliba doonaya in ay qaab xor ah ku helaan sidoo kale kooxaha Juventus iyo Ac Milan.

Lacazette ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhamaystay isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan Arsenal isaga oo dhaliyay 17 gool 43 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: Fariimo jacay: Waxa Ugu Fiican Ee Aad Aad U Sheegi Kartid Qofka Aad Jeceshahay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *