K/galbeed oo shaacisay Guddiyada soo xulaya kuraas taala Baydhabo


Spread the love

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Koofur galbeed ayaa soo saaray xalay magacyada Odoyaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada 7 kursi oo deegaan dooraahadoodu tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kuraastaan 7-da ah Guddiga ayaa hore usoo saaray markii ay taariikhdu ahayd 10-kii bishaan March ee Sanadkaan 2022.

Qoraal kssoo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga hirgelinta doorashada waxay shaacinayaa magacyada odoyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ee soo xulaya ergada 7 kursi guddigu shaaciyey 10 March 2022”

Kuraasta waxey kala yihiin tirsigooda: Hop#181, Hop#204, Hop#197, Hop#179, Hop#172, Hop#164 iyo Hop#047.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments