0

Man City ayaa guul weyn ka gaartay Brighton oo ay uga talaabsadeen 3/1 xilli goolasha ay yimaadeen qeybtii hore ee ciyaarta

Sheekada ciyaarta: Man City ayaa nasiinada ugu dirtay Brighton  sedex gool oo nadiif ah, waxa ayna ciyaarta aheyd mid hal dhinac ah

City waxa ay soo bandhigeen ciyaar adag  oo deg degsiimo leh waxaana ka go`anaa in natiijada waqti hore wax ka badalaan

Kooxda garoonka mararka qaar kubado halis ah ayay ku laadayeen goosha City balse goolhayaha ayaa foojignaa

City isfahan ayaa ka muuqday waxa ayna kubadooda ka sooctay garbaha xilli sedexda gool ay kala qeybsadeen Gondogan , Foden iyo Jesus.

Qeybta labaad , kooxda garoonka waa soo wacnaadeen balse waxaa hor taagnaa oo bad baado cajiib ah sameeynayay goolhayaha Man City

City si ayay u degeen qeybta labaad mana jirrin fursado xaqiiq ah oo ay aburayeen halka Brighton halis ahaayeen

Dhamaadkii City cadaadis ayaa saranaa , dib ayayna u gurteen ilaa lagu keenay rigoore waxaana laga dhaliyay daqiiqadii 81-aad , wax aayna guud ahaan ciyaarta ku dhamaatay 3/1


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *