0

Xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka hadlay farxadiisa ku aadan in uu Real Madrid u dhaliyo 200 oo gool isaga oo sheegay in ay Real Madrid tahay noloshiisa.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 200-aad ee Real Madrid kadib markii uu 10 sano ka hor ku soo biiray kooxda Real Madrid.

Karim ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay Real Madrid guusha ka gaadhay kooxda Mallorca kulan ka tirsanaa todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga kaas oo ku dhamaaday 6/1 ay Real guul ku gaadhay.

Benzema oo la hadlaya wargayska AS Ayaa yidhi”kooxda Real Madrid waa noloshayda waxana aan doonayaa in aan sii dhaliyo goolal intaas ka badan”.

“Waxa aan doonayaa in aan noqdo xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda”.

Sii Akhriso: Gabadha Xisoodka Badan Mise Gabadha Geesiyada Ah? Midee Ragga Aadka U Soo Jiidata.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *