0

Dowladda Kenya oo dadkeeda uu baaqday inay qaataan tallaalka cudurka COVID19 ayaa sidoo kale shaacisay in laga bilaabo dhamaadka bisha soo socota ay dalkeeda kusoo rogi doonto sharci ah in dadku aysan heli doonin adeegyada ay uga baahan yihiin xafiisyadda dowladda, Makhaayadaha iyo baabarka wadankaasi ilaa ay keenaan shahaadada muujinaysa in qofku uu qaatay tallaalka cudurka COVID19.

Dadka wadankaasi ka baxaya iyo kuwa soo galaya ayaa sidoo kale la waydiin doonaan shahaahada tallaalka. Sidoo kale Dhakhaatiirta Soomaalida ee Kenya ayaa Soomaalida dalkaasi ugu baaqay inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19 si ay caafimadkooda iyo midka dadka kale ay u badbaadiyaan.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *