Kherson: Maxaa ka socda gudaha magaalada lagala wareegay Ruushka?


Spread the love

Xigashada Sawirka, KATHY LONG/BBC5 Saacadood ka horJimcihii, ciidamada Ukraine ayaa galay Kherson markii ugu horeysay tan iyo markii Ruushka uu qabsassaday magaalada Kherson bishii Maarso.Moscow waxay – wax ka badan bil ka hor – ku dhawaaqday inay tahay caasimadda maamulka Ruushka ee gobolka Kherson, ka dib markii si sharci darro ah loogu daray afar gobol bishii Sebtembar.Waqtigaas, Ruushku wuxuu sheegay in ku dhawaad ​​dhammaan dadka deegaanka ay taageereen tallaabada. Laakin, markii hadda ay ciidamada ka baxaeen magaalada koonfureed ee la xoreeyay, BBC-du waxay la kulantay bulsho ay neefta ka soo baxday ka dib bilo argagax ku hayeen ciidamada qabsaday, iyagoo hadda ku faanaya inay mar kale si cabsi la’aan ah ay u lulayaan calankooda Ukraine.Nin ayaa turumbeeto ku  garaacayay heesta calanka Ukraine isagoo taagan meel bannaanka ka ah xafiisyada dawladda ee Kherson. Shakhsiyaad iyo kooxo ayaa ku biiray qaadidda heesta calanka.Dad badan baa ku ooyay halkaas. Calanka Ukraine ayaa meel walba yaal, oo xitaa baabuurta ka babanaya, wejiyada dadkana lagu xardhay. Xataa eeydu calammo yaryar oo lagu dhejiyay qoortooda.Nin da’ dhexaad ah oo la yiraahdo Yuri ayaa ka sheekeeyay sida uu 200 oo maalmood ugu qaatay gurigiisa, isaga oo ka ilaalinaya Ruushka.Xigashada Sawirka, KATHY LONG/BBCHaweeneey ganacsato ah oo lagu magacaabo Tatiana ayaa sheegtay in Axaddan aanay Ruushku joogin ay tahay Axadda ugu wanaagsan ee soo marta.Laakin markaas ayay la soo baxday teleefankeeda waxayna soo bandhigtay sawirada wiilkeeda oo 20 jir ah ka dib markii uu Ruushka qafaasheen oo ay garaacayeen muddo sagaal maalmood ah. Markii laga soo saaray cisbitaalka, waxa u suurtagashay in uu baxsado oo uu ka tago Ukraine. Tatiana ayaa sheegay in ay gubeen dhammaan dukumeentiyadiisa ayna tirtireen dhammaan sawirradiisii.Dareenka ugu weyn ee halkan ayaa u muuqda inuu yahay waddaniyad iyo nafis ay dareemayaan dadka – iyo sidoo kale taxaddar iyo xoogaa cabsi ah oo ku saabsan waxa soo socda.Xigashada Sawirka, KATHY LONG/BBCDadka reer Kherson waxay aad ugu dhawaayeen millatariga Ruushka muddo aad u dheer si ay naftooda uga badbaadiyaan dhibaatooyinka kaga imanaya Ruushka.Marba marka ka dambeysa, waxaa magaalada cirifka ka soo galaya qaraxyo fog. Qaarkood waa duqeyn. Inta soo hartay waxay noqon kartaa dhawaqa ka imanaya miinooyinka ay injineerada Ukraine ee uu Ruushku ka tagay.


Like it? Share with your friends!