0

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Maxkamadda dastuurka kama jirto Soomaaliya, taasoo ahaan lahayd meesha kaliya ee xal looga raadin karo ama go’aan ka gaari karta khilaafka madaxda ugu sarreysa dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayuu u dhaxeeyaa khilaaf aad usoo shaac baxay isbuucan oo kusoo aaday xilli lagu dadaalayay inay qabsoonto doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Arrimaha ay isku qabteen Farmaajo iyo Rooble waxaa saldhig u ah:

  • Qaabka loo wajahay kiiska ku saabsan Ikraan Tahliil, oo xubin ka ahayd sirdoonka Soomaaliya
  • Shaqo ka joojinta agaasimihii hay’adda Nabad sugidda, Fahad Yaasiin
  • Xil ka qaadista wasiirkii amniga gudaha oo wasaaraddiisa loo magacaabay qof kale

Ikraan ayaa la la’yahay tan iyo dabayaaqadii bishii June. Hay’adda NISA ayaa dhawaan sheegtay in gabadhaas ay dileen kooxda al-Shabaab. Hase yeeshee ehelada gabadhan ayaa sirdoonka ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin maqnaashaha Ikraan.

Xigashada Sawirka, Social Media

Waxaa jirtay dacwad laga gudbiyay Fahad iyo howl wadeennada ka hoos shaqeynayay, taasoo ku saabsaneyd sida ay u maareeyeen arrinta Ikraan Tahliil.

Tallaabadii uu Ra’iisul Wasaaraha shaqada uga joojiyay Fahad ayuu kasoo hor jeestay madaxweynaha, isagoo markii dambena sheegay inuu u dallacsiiyay xilka la taliyihiisa amniga qaranka.

Dhanka kale xil ka qaadista wasiirka Amniga, Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa la hadal hayay inay salka ku heyso isla mowduucan.

Wasaaradda amniga ayaa u muuqata mid labo wasiir ay ku lug leeyihiin, maadaama wasiirka xilka laga qaaday uu sheegay inuu howshiisa wato halka kii la magacaabayna loo dhaariyay isla xafiiskaas.

Isku dhaca Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa abuuray xiisad iyo walaac soo wajahay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan marxaladdan ayaa sheegayay in uu fashilmay dadaal lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada mas’uul, oo ay wadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida.

Waxaa natiijo la’aan ku dhammaaday shir saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble oo ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Galmudug, Maxamed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.

Dad xog ogaal ah ayaa BBC-da sheegay in arrinta taliyayaasha ay labada mas’uul u kala magacaabeen hay’adda sirdoonka iyo kiiska Ikraan Tahliil ay yihiin qodobada ugu adag ee la isku fahmi waayay.

Ma cadda in dadaalka waanwaanta uu sii socon doono iyo in kale, mana jirin tallaabooyin kale oo ay labada dhinac qaadeen.

Muxuu noqon karaa xalka?

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor sii horreysay u xil saaray Ra’iisul Wasaaraha inuu hoggaamiyo hannaanka doorashada iyo amniga.

Hadda waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu leeyahay ooo kaliya talo soo jeedin balse uusan xil ka qaadi karin wasiir, s waafaqsan dastuurka ku meel gaarka ah.

1- In aan wasiir xil laga qaadin

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa BBC-da u sheegay in xalka labada dhinac isu soo dhaweyn kara uu yahay oo kaliya in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday balse taas baddalkeeda la sameeyo isku shaandheyn, iyadoo wasiirka la baddalo loo dhiibayo wasaarad kale.

“Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Fikraddan waxaa ku raacsan Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo falanqeeya siyaasadda gobolka.

2- In qof saddexaad loo magacaabo agaasimaha NISA

Sidoo kale arrinta ku saabsan hoggaanka NISA ayay sheegeen in dhan kale laga eegi karo.

“Haddii la leeyahay Fahad wuu is casilay, madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna ay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

3- Baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin.

Sida ay khubaradan qabaan, “waxaa muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo xil sare ka heysay NISA”.

4- Dadaalka Beesha Caalamka

Xalka kale ee ugu dambeeya waxa uu noqon karaa in Beesha Caalamka ay si toos ah u soo farageliso arrinta, sida uu aaminsan yahay Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Waxaan ogeyn in bishii April ay dhaceen rabshado ka dhashay khilaafkii Mucaaradka iyo dowladda, beesha caalamkuna waxay cadaadis ku saartay dhinacyada inay xal helaan,” ayuu yiri.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa socday dadaal ay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ugu jireen in laga gudbo ismariwaaga siyaasadeed, si xoogga loo saaro arrimaha doorashada.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *