0

.

Xigashada Sawirka, SNTV

Khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeystay ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in uu awoodda Ra’iisul Wasaaraha laalay, taas oo Rooble uu diiday.

Arrintan waxay labada dhinacba u tiigsadeen dastuurka qabyo-qoraalka ah ee dalka oo xafiisba uu qodobbo ka soo xiganayay.

Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa awoodaha madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ku qoran DASTUURKA KU MEEL

Awoodda Madaxweynaha (sida dastuurka ku qoran)

Sida ku xusan qodobka 9aad ee dastuurka Qabyada ah -Awoodda iyo xilka madaxweynaha waxaa ka mid ah:

a) Wuxuu ku dhawaaqayaa xaaladda degdegga ah iyo xaaladaha dagaalka, si waafaqsan sharciga

b) Waa taliyaha guud ee Ciidanka Qalabka Sida

c) Wuxuu magacaabayaa taliyeyssha ciidamada heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan golaha wasiirada

d) Wuxuu magacaabayaa xilka wasiirka koowaab WUXUUNA XILKA KA QAADAYAA AMA DIRAYAA XUKUUMADDA Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1)

e) Wuxuu xilka ka qaadayaa wasiirada, wasiir-dawleyaasha iyo wasiir-ku-xigeennada, markii soo jeediyo wasiirka koobaad

f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo saxiixo Baarlamaanka, si sharci looga dhigo

g) Wuxuu furayaa Golaha Shacabka

h) Wuxuu la hadlayaa fadhiga Golaha Shacabka sannadkiiba mar

i) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka markasta oo kale

j) Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maskaxadda Dastuuriga ah, Maxkamadda Sare, iyo Garsooreyaasha kale ee Heer Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib

k) Wuxuu magacaabaa jagooyiinka saree e Xukuumadda federaalka iyo madaxda Hay’adaha Federaalka, Marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada

l) Wuxuu magacaabayaa jadooyiinka Danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markii Golaha Wasiirada soo-jeediyo

m) Wuxuu qaabilaa diblumaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye

n) Wuxuu gudoonsiiyaa abaalmarinta xushmaddaQaranka markuu Golaha Wasiirada soo-jeediyo

o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilka dhammaato, si doorasho ay u aadaan

p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimodembiileyaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga Garsoorka

q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah ka dib markii Golaha Wasiirada soo jeediyo, Golaha shacabkana ansixiyo

Xilka iyo Awoodda Ra’iisul Wasaaraha (Sida dastuurka ku qoran)

Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waa:

a) Madaxa Xukuumadda federaalka ah

b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirada

c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo barnaamijka xukuumaddiisa si ay u siiyaan kalsoonida

d) In uu qabto howlaha kale ee looga xilsaaray Dastuurka ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurka iyo qiyamkiisa

Awoodda Golaha Wasiirada

1) Awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh Golaha Wasiirada, waxayna qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman

2) Golaha Wasiiradu waa hay’adda fulinta maamulka ugu sarreeya Dowladda federaalka, wuxuuna ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen/ku-xigeenno, wasiiro, wasiiru-dawleyaal iyo wasiiro ku-xigeenno

3) Ra’iisul Wasaaraha wuxuu magacaabayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiir-dawleyaal, iyo wasiir-ku-xigeenno. Golaha Wasiirada waa ay ka imaan karaan xubin ka mid ah Golaha Shacabka iyo xubin aan ka mid ahayn Golaha Shacabka

4) Xil banneynta jagada Ra’iisul Wasaaraha oo sababaysa dhicitaanka Golaha Wasiirrada, waxay ku imaan kartaa istiqaalad, xil ka qaadid, xil gudasho la’aan iyo geeri


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *