Kim Jong Un walaashiis oo shaacisay arrin aan horay loo ogayn oo ku saabsan walaalkeed


Spread the love
Kim Jong Un iyo walaashiis, Kim Yo Jong

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, walaashiis oo lagu magacaabo Kim Yo-jong ayaa sheegtay in walaalkeed uu aad u xanuunsaday muddadii uu socday cudurka safmarka ah ee corona.

Kim Yo-jong ayaa shegetay in uu “qandhaday” Kim Jong-un, waana markii ugu horraysay ee la shaaciyo hadal u muuqda in uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku dhacay fayraska.

Gabadhan ayaa sidoo kale ku eedeysay Kuuriyada Koonfureed in ay mas’uul ka tahay in uu cudurka soo gaaro dalkooda – iyadoo sheegtay inay xadka kasoo direen caleemo lagu tallaalay fayraska sababya cudurka Covid.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa eedeyntaas ku tilmaantay mid “aan sa iyo raad lahayn”.

Ms Kim ayaa hadalkan jeedisay xilli uu walaalkeed shaaciyay in lasoo afjaray saamaynta cudurka.

Kim Jong Un ayaa ku dhawaaqay in lagu guulaystay dagaalka ka dhanka ah fayraska corona, sida ay tebiyeen warbaahinta afka dowladda ku hadasha ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu sheegay in tirada ay dowladda shaacisay ee dhimashada oo ah 74 ay tahay “mucjiso lama filaan ah” marka lala barbar dhigo dalalka kale.

Hase ahaatee, dadka xaaladda u kuur galayay ayaa sheegay in tirada ay soo bandhigtay xukuumadda Pyonyang ay noqon karto mid xaqiiqda ka fog.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waddankan sirtiisa qariya ayaa sheegay in markii ugu horraysay ee uu Covid gaaro dalkooda ay ahayd bishii May ee sanadkan, waxayna tan iyo xilligaas sheegeen in ay jireen dad qandhaday iyo dhimashooyin.

Balse shaki aad u wayn ayaa laga muujiyay xogtaas, gaar ahaan tirada dhimashada ee aadka u hoosaysa.

Hadal xanaaq leh iyo hanjabaad culus

Khudbadda ay jeedisay Kim Yo Jong, oo ah gabar awood badan ku leh maamulka dalkeeda, ayay si caro ugu shegetay in waddanka deriska la ah – oo ay si wayn isaga soo hor jeedaan – uu kusoo fidiyay Covid-ka si uu ugu waxyeelleeyo.

Qaar ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa muddo tobannaan sano ah adeegsanayay xeeladda xuduudda farriimaha looga gudbiyo, iyagoo isticmaalayay buufinno ay ku ridayeen caleemo lagu qoray waxyaabo borabogaado ah oo la gaarsiinayo Kuuriyada Waqooyi.

Laakiin arrintan ayaa la mamnuucay sanadkii lasoo dhaafay.

Ms Kim waxa ay dirista caleemada ku tilmaantay “dambi ka dhan ah bani’aadannimada”, waxayna sharraxday khatarta ay leedahay in cudur faafa lagu fidiyo iyadoo la adeegsanayo waxyaabo lagu tallaalay cudurkaas,” sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee dowladda oo magaceeda loo soo gaabiyo KCNA.

Waxa ay haweeneydan ku hanjabtay in Kuuriyada Waqooyi ay ka fikirayso sidii ay u samayn lahayd “aargoosi wayn oo ay arrintaas uga jawaabayso”.

Arrinta ku saabsan xanuunka Kim Jong-un

Sidoo kale khudbaddeeda ayay Ms Kim uga hadashay caafimaadka walaalkeed, waxayna tiri: “Inkastoo uu si aad ah ula xanuunsaday qandho daran, hal mar xitaa dhinaca dhulka ma uusan dhigin, isagoo ka fikirayay dadka uga baahan xannaanada ilaa laga soo afjaro dagaalka ka dhanka ah cudurka safmarka ah.”

Kuuriyada Waqooyi ayaa magaca “qandho” u adeegsata fayraska corona iyo bukaannada uu ku dhaco, maadaama aysan haysan qalab lagu baaro.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhanka kale, Mr Kim ayaa amaan u jeediyay dadka ka qayb qaatay dadaalka lagula tacaalayay cudurka.

Waxa uu amar ku bixiyay in meesha laga saaro dhammaan xayiraadihii loo soo rogay si loo xakameeyo fayraska.

Kuuriyada Waqooyi wax kiis ah oo la tuhmay ma aysan soo tebin tan iyo 29-kii bishii July – balse kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in waddankaas uusan samayn baaritaan ku filan. 

Wakaaladda Wararka ee KCNA ayaa shegetay in 4.8 milyan oo qof uu fayraska ku dhacay ilaa dabayaaqadii bishii April, balse 74 ruux oo keliya ay u geeriyoodeen. Tiradaas oo bukaannadii uu xanuunka ku dhacay ka ah 0.002% ayaa noqonaysa tii ugu hoosaysay caalamka.

Balse khubaro badan ayay ku adkaatay in ay aaminsan xogtaas. Waxa ay sheegeen in waddankaas uu leeyahay mid ka mid ah adeegyada caafimaad ee ugu liita adduunka, sidoo kalena uusan haysan dawooyin iyo tallaalka fayrska midna.

Kuuriyada Waqooyi lagama samayn barnaamij tallaal ah muddadii uu Covid-ka ka jiray.


Like it? Share with your friends!