Kismaayo: Shiikh Cabdinaasir oo ku dhintay qarax gaarigiisa loogu rakibay


Spread the love

Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo Jubbaland u tagay kulan diimeed.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaariga loogu rakibay shiikha, iyadoo laamaha amaanka aysan weli war kasoo saarin faah faahinta qaraxan.

Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo kamid ahaa culimada Soomaalida, ayaa fadhigiisu waxaa uu ahaa magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments