Koobka Adduunka 2022: Arrimo lagu muransan yahay oo la xiriira dalka Muslimka ah


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images5 Saacadood ka horKaddib 12 sano oo su’aalo, cambaareyn iyo fakrado mala awaal ah, Koobka Adduunka ee Fifa ee Qadar ayaa ugu dambeyn maanta furmay.Fakradda in cayaarihii ugu horreeyay ee heer caalami ah lagu qabto dal Muslim ah oo ku yaalla Bariga Dhexe ayaa waxaa hareeyay arrimo dhowr ah oo lagu muransan yahay.Balse Fifa ayaa ka codsatay dhammaan 32-da dal ee tartamaya “inay diiradda saaraan kubadda cagta”.Cayaarta ugu horreysa ayaa dhex mareysa Qadar iyo Ecuador taasoo ka dhacaysa garoonka Al Bayt Stadium.BBC Sport ayaa eegeysa liiska waxyaabaha lagu muransan yahay, xiisaha ka taagan Qadar, iyo cidda ku guuleysan doonta Koobka Adduunka.Waa maxay waxyaabaha lagu muransan yahay? Qadar 2022 ayaa noqon doona mid ka mid ah cayaaraha Koobka Adduunka ee ugu hadal heynta badan taariikhda.Dalkan Khaliijka ka tirsan ayaa ka guuleystay Kuuriyada Koofureed, Japan, Australia iyo Mareykanka, balse waxaa jiray eedeymo la xiriira musuqmaasuq ka taagnaa hannaanka loo maray, taasoo ay mar walba Qadar beeniso.Bishii February 2021, wargeyska Guardian ayaa sheegay in 6,500 oo shaqaale muhaajiriin ah kana soo jeeda Hindiya, Pakistan, Nepal, Bangladesh iyo Sri Lanka ay ku dhinteen Qadar tan iyo intii ay ku guuleysatay damaceeda ah martigelinta Koobka Adduunka. Xigashada Sawirka, Getty ImagesTirada ayaa lagu saleeyay xog laga helay safaaradaha dalalkaas ee Qadar. Si kastaba, dowladda Qadar ayaa sheegtay in isu geynta tiradaas ay tahay mid marin habaabin ah, sababtuna ay tahay in dhimashada dadka la diwaan geliyay aysan dhammaantood la xiriirin mashaariicda la xiriira Koobka Adduunka.Dowladda ayaa sheegtay in xogteeda ay muujineyso inay jireen 37 dhimasho ah oo la xiriirta shaqaalaha dhismaha garoonka Koobka Adduunka intii u dhaxeysay sanadihii 2014 iyo 2020, keliya saddex ka mid ah “ay ahaayeen kuwo shaqo la xiriira”.Si kastaba, Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa sheegtay in tiradaasi ay ka hooseyso qiyaasta rasmiga ah.Waxaa jiray cabsida ay taageerayaasha dadka loo yaqaanno LGBT ka filan karaan sida loola dhaqmi doono maaddaama uu dalkaas si adag ugu dhaqmo Shaceerada, iyadoo arrintaas ay sharci darro ka tahay Qadar. Ururrada xiriirka la sameynayay Fifa ayaa sheegay “in gaabis ay ahayd arrinta ” and ” isla markaana arrimaha walaaca laga qabo ay taagan yihiin.UK Pride organisations ayaa ugu baaqay baararka iyo goobaha kale inaysan so bandhigin oo sii deyn cayaaraha Adduunka.Cayaartoyda ayaa lagu boorriyay inay adeegsadaan saameynta ay leeyihiin si ay uga hadlaan arrimaha dalkaas ka jira, daafaca England Conor Coady ayaa yiri “ma nihin siyaasiyiin”.Daafaca Everton ayaa intaas ku daray: “Weligeen kama noqon doono siyaasiyiin habka aan u eegno waxyaabaha balse, marka la eego waxa ay kooxdu sameysay sanadihii la soo dhaafay iyo sida ay dadka u caawisay, waxay ka timid geyiga.”Sepp Blatter, oo ahaa madaxweynaha Fifa iyo ninka ku dhawaaqay in martigelinta cayaarahan la siiyay Qadar sanadkii 2010, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay sheegay in go’aankaasi uu ahaa “khalad”.Shalay, madaxweynaha Fifa Gianni Infantino ayaa Reer-galbeedka ku eedeeyay “munaafaqnimo” marka la eego sida ay uga warramaan taariikhda xuquuqda aadanaha ee Qadar.Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dooxa, ayuu Infantino ku dhowaad hal saac ka hadlay isagoo difaacay Qadar iyo cayaarahanba. Cimilada Qadar xilliga xagaaga ayaa gaarta 50C, taasoo ah sababta markii ugu horreysay loogu raray xilliga qaboobaha, inkastoo weli ay cimiladu tahay 32C maalintii halka habeenkiina ay tahay 22C.Xigashada Sawirka, Getty ImagesLabo maalmood kahor furitaanka cayaaraha, qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in taageerayaasha aysan awoodi doonin inay iibsadaan amaba ay cabitaannada aalkolada ku cabaan gudaha ama meel u dhowa siddeedda garoon. Maxaa khibrad ah oo u kordhi doonta taageerayaasha? Shir jaraa’id, ayay bishii hore Fifa ka sheegtay in ku dhowaan saddex milyan oo tikidh ah la iibiyay, iyadoo dalka martigeliyay cayaarahan uu ugu horreeyo liiska dalalka helay tirada ugu badan ee tikidhada.Dalkan ayaa balaayiin doollar ku maalgeliyay horumarinta kaabayaashiisa iyadoo waddooyinkuna ay ahaayeen mashquul oo dadka gudaha iyo taageerayaasha dalka deriska ah ee Sacuudiga laga filayay inay ku safraan xadka. Basaska Fifa ayaa la arkayay iyagoo waddooyinka maraya. Xigashada Sawirka, Getty ImagesXafladda lagu qabtay Al Bidda Park ayaa waxaa ka shidnaa nalal kala nooc nooc ah, iyadoo dhawaqa muusikada uu ka soo baxayay masrax u dhow – inkastoo la hakinayay daqiiqado marka Aadaanka laga maqlayo masaajidda u dhow. Aalkolo laguma cabi karo dadka dhexdooda sida uu qabo dalkan Muslimka ah, balse sharcigan ayaa la khafiiiyay sababo la xiriira cayaarahan iyadoo taageerayaasha ay ka iibsan karaa baararka cayiman.Brazil waxaa ugu dambeysay inay koobka qaaddo sanadkii 2002, waana dalkii ugu dambeeyay ee aan Yurub ka tirsaneyn ee qaada koobka.Argentina ayaa iyadana soo labeysa.BBC Sport pundits ayaa toddoba ka tirsan waxay qabaan in Brazil ay qaadeyso koobka, saddexna waxay u saadaaliyeen Argentina, halka labana ay qabaan in Faransiisku qaadayo, hal qof ayaana u saadaaliyay England.


Like it? Share with your friends!