0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka hadlay kulankii uu la yeeshay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi oo booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne laftagareen ayaa  sheegay inay ka wada hadleen arrimaha la xariiraka doorashooyinka dalka iyo xaalada deegaankaasi oo kamid ah goobaha ay ka hawlgalaan ciidamada dowlada Itoobiya ee kamid ah AMISOM.

Madaxweynaha KGS oo aan faah faahin dheeri ah ka bixin dhamaan qodobadii looga wada hadlay kulankaasi ay labaabada u xirnaayeen ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka qeyb galo shirkii la sheegay inay madaxda dowlada gobaleedyada ku yeelan doonaan caasimada Puntland ee Garowe.

Horseed Media


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *