Kursi Golaha Shacabka oo maanta doorashadiisa lagu qabanyo Beledweyne


Spread the love

Maanta oo Isniin ah ayuu qorshuhu ahaa in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada afar kursi oo ay hore u shaaciyeen Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle kuwaas oo kale ah: ✅HOP#004 ✅HOP#011  ✅HOP#063  iyo ✅HOP#135.

Balse khilaaf adag oo ka taagan doorashada afartaan kursi, waxaa uu sababay in dib loo dhigo doorashada seddex kursi oo kale ah: ✅HOP#011  ✅HOP#063 iyo ✅HOP#135, inkastoo guddiga aysan sheegeen sababta ay dib ugu dhigeen doorashada kuraastaas.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Guddiga maamulka doorashada xalay ayaa lagu sheegay in maanta oo Isniin ah ay qaban doonaan doorashada hal kursi oo tirsigiisu yahay Hop HOP#011 kaas oo uu ka taagan yahay hanaanka loo qbanayo doorashadiisa khilaaf xoogleh.

Kursiga HOP#011 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Maxamed Cumar Maxamed oo mar soo noqday Wasiirkii hore ee amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in doorashada kursiha Hop#035 ay hore ugu fadhisay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi uu ka mid yahay kuraasta ay ka taagan tahay khilaafka.

Dhinaca kale, War Saxaafadeed kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo looga hadlay xaalada amni iyo is qab qabsiga ka taagan Magaalada Beledweyne kaas oo la xiriira kuraasta qaar ee taala Magaaladaas.

waxaa uu tilmaamay in uu tixgalinayo cabashooyinka kaga imaanayay beelaha kuraastooda dib loo dhigay, kuwaas oo uu xisay in laga dib mariyay jadwalkoodii doorashooyinka ee ahaa 15 bishii Seddexaad ee Sanadkaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte  ayaa sheegay in ay jiraan kuraas la rabo in carqaladeen lagu sameeyo, kuwaas oo la filayo in maanta lagu qabto Magaalada Beledweyne, isagoo xusay in ay jiraan kuraas la rabo in carqaladeen lagu sameeyo, kuwaas oo la filayo in maanta lagu qabto Magaalada Beledweyne.

Guddiga maamulka doorashada Hir-shabeelle kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, balse  waxaa ay u muuqataa in ay qorsheenayaan in ay qabtaan doorashada kursiga Hop#011 oo deegaan doorahadiisu tahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments