0

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaa Arbacada maanta ah xaqiijisay in taliska Pyongyang uu tijaabisay gantaal baalistik ah oo laga tuuray gujis, tallaabadaas oo ay khubarradu ku tilmaameen in Kuuriyada Waqooyi ay ka damacsan tahay in ay si dag dag ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada.

Warka kasoo baxay Warbaahinta Xukuumadda Pyongyan ayaa yimid maalin kaddib marki ay Kuuriyada Koofureed sheegtay in ay rumeysantahay in Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaal laga tuuray gujis yaalla xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorrisay Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso daan-daansiga.

Afhayeenka Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa Talaadadi shalay sheegtay in Dowladda Mareykanka ay u furantahay in ay wadahadallo diblamaasiyadeed kala gasho Kuuriyada Waqooyi, barnaamijkeeda Niyukleerka.

Pyongyang ayaa arrintaasi horay ugu gacanseystay.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *