0

Wararka ka imanaya Spain ayaa qarxiyay lama filaan ku saabsan diidmadii ay Barcelona iska diiday saxiixa xiddiga Mohamed Salah sanadkii 2017 kana doortay saxiixa xiddiga Ousmane Dembélé oo wakhtigaas joogay kooxda Borussia Dortmund.

Barcelona ayaa 4 sano ka hor 100 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga Ousmane Dembélé laakiin xiddiga reer France ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay isaa oo ku dhibaatoonaya dhaawacyo kala duwan.

Sida laga soo xigtay wargayska El Nacional, Barcelna ayaa iska diiday saxiixa xiddiga Liverpool ee haatan Moamed Salah sanadkii iyaga oo ka doortay xiddiga Ousmane Dembélé.

Waxa intaas sii dheer in ay Barcelona ku heli kartay saxiixa xiddiga Mohamed Salah kaliya lacag dhan 40 milyan oo euro xilli ay Roma doonaysay in ay iska iibiso xiddiga wakhtigaas.

Mohamed Salah ayaa ku biiray kooxda Liverpool laba jeer ku guulaystay gool dhalinta premier league sidoo kale kooxda kula guulaystay 4 koob oo ay ka mid yihiin champions League iyo premier League.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *