0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayday inay daafaca Paris Saint-Germain Marquinhos keento Stamford Bridge suuqii xagaaga iyaga oo diyaar u ahaa in ay bixiyaan 85 milyan oo euro si ay u helaan saxiixiisa.

Daafaca dhexe ee reer Brazil ayaa Tababare Thomas Tuchel kala soo shaqeeyay PSG waxana uu doonayay in uu xiddiga keeno Stamford Bridge iyo premier League.

Chelsea ayaa aad u doonaysay saxiixa daafac dhexe waxana sidoo kale lala xidhiidhinayay daafaca kooxda Sevilla ee ee Jule Kounde.

Si kasta ha ahaatee wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in uu Tuchel doonayay in uu la midoobo xiddiga Marquinhos si uu uga garab ciyaarsiiyo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Thiago Silva.

Inkasta oo ay Kooxda ku guulaystay champions League diyaar u ahayd in ay bixiso 85 milyan oo euro hadana PSG ayaa diiday in ay chelsea ka iibiso xiddiga Marquinhos.

Sii Akhriso: Sideed Ku Garanaysaa Qofka Si Qarsoodi Ah Kaaga Fikirayo?


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *