0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku guuldareysatay saxiixa Kalidou Koulibaly ka hor inta aysan gacanta ku dhigin daafaca Raphael Varane.

Kadib bilo lala xidhiidhinayay kooxda Man United, Varane ayaa ugu dambayn Red Devils ugu biiray heshiis ku kacaya 32 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee Koulibaly ayaa la rumaysanyahay in uu ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Man United si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca sida laga soo xigtay wargayska Corriere dello Sport.

Man United ayaa la sheegayaa in ay Napoli miiska u saartay dalab dhan 30 milyan oo euro si ay u hesho daafaca reer Senegal laakiin Kooxda reer Italy ayaa u sheegtay in ay dalabkooda kor ugu qaado 43 milyan oo euro.

Kadib Man United ayaa dareenkooda u jeedisay saxiixa Varane kadib markii ay aragtay in ayna qiimaha ay diyaarka la yihiin ku heli doonin daafaca dhexe ee Koulibaly.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *