0

Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba ka fikirayaan inay amaah ugu dhaqaaqaan weeraryahanka Barcelona Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa January.

Xiddiga reer Brazil ayaa u ciyaara Barcelona kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac wakhti fog ah laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Kooxda Ronald Koeman ayaa la rumaysanyahay in ay ka go’antahay in ay iska iibiso xiddiga marka la gaadho suuqa kala iibsiga January waxana laga soo xigtay El Nacional, Arsenal iyo Tottenham ayaa doonaya xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay labada kooxood ee woqooyiga London in ay doonayaan in ay qaab amaah ah ugu dhaqaaqaan xiddiga xilli ay Barcelona diyaar u tahay in ay bixiso qayb ka mid ah mushaharka xiddiga.

29 jirka ayaa kaliya ciyaaray 82 daqiiqo horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo dhamaantood kaydka ka soo kacay kulamada ay kooxda Barcelona ciyaartay ilaa haatan.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *