0

Iyaga oo haatanba niyada ku haya suuqa Mustaqbalka, Real Madrid ayaa ishaaratay saxiixa xiddiga Chelsea ee Antonio Rudiger kaas oo ay doonayso saxiixiisa.

Wargayska MARCA ayaa sheegay in ay jirto laab sabab oo ay real madru u doonayso saxiixa xiddiga reer Germany marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sababta ugu horaysa ayaa ah dhanka dhaqaalaha iyada oo Los Blancos ku jirto xaalad adag sabab la xidhiidha xanuunka Korona sidaas darteed waxa ay ku helaysaa xiddiga qaab xor ah

Sababta 2-aad ayaa ah khibrada xiddiga taas oo ah mid soo jiidanaysa Los Blancos marka loo eego in uu xiddiga 28 jirka ah leeyahay khibrad uu ku buuxin karo booska ay baneeyeen xiddigaha Sergio Ramos & Raphael Varane.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *