0

Xiddiga cusub ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa lagu soo waramayaa in uu xidhan doono No.8 sida ay sheegayaan wararku kadib markii uu ku soo laabtay kooxda.

Alves ayaa maanta ku baasay tijaabada caafimaadka waxana uu noqday xiddig Rasmi ah oo Barcelona ah waxana uu haatan isku diyaarinayaa noloshiisa 2-aad ee Barcelona.

Xiddiga 38 jirka ah ayaa qaab xor ah ugu soo biiray kooxda waxana uu qalinka ku duugay heshiis hal sano iyo waliba hal sano oo dheeri ah hadii uu si fiican u ciyaaro.

Saxafiga reer Spain ee Gerard Romero ayaa sheegaya in uu Alves kooxda Barcelona u qaadan doono No.8 marka uu u ciyaarayo kulamada wixii ka dambeeya bisha January ee soo socota.

Waxa xusid mudan in uu Alves horay kooxda Sevilla bilowgii xirfadiisa ciyaareed ugu soo xidhay Lambarka No.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *