0

Liverpool ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato Xiddig garabka ka ciyaara bisha January, iyadoo Mohamed Salah iyo Sadio Mane ay ka tagi doonaan kooxda si ay ugu qeyb galaan koobka Qaramada Afrika, sida uu sheegay saxafiga Fabrizio Romano.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedkooda 2021-22. Liverpool ayaa hadda fadhisa kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League waxana ay 4 dhibcood ka dambeeyaan kooxda kaalinta 1-aad ku jirta ee Chelsea.

Reds ayaa haatanba horay u xaqiiqsatay booskeeda wareega 16-ka tartanka champions league xilli ciyaareedkan iyada oo 2 kulan ka hadhantahay xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa xilli ciyaareed aad u fiican tartamada maxaliga ah iyo Yurub. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay la kulmaan dharbaaxo weyn marka xiddigohooda Salah iyo Mane ay u baxaan Koobka Qaramada Afrika.

Koobka Qaramada Afrika ayaa la qorsheeyay inuu dhaco bilaha January & February iyada oo xiddigaha Salah iyo mane u ciyaari doonaan xulalkooda Masar iyo Senegal taas oo la macno ah in ay Kooxdu waayi doonto labada xiddig ee ugu muhiimsan kooxda.

Sidaas darteed kooxda Liverpool ayaa midkood u dhaqaaqi doonta xiddigaha Villarreal, Inter Milan ama Torino ee Arnaut Danjuma, Gleison Bremer & Marcelo Brovozic si ay ugu xoojiyaan garbaha weerarka.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *