0

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay kula tartanto Manchester City saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong suuqa Soo socda.

Mustaqbalka xiddiga 24 jirka ah ayuu haatan shaki ku jiraa iyada oo Barcelona u furantahay in ay iska iibiso xiddiga sabab la xidhiidha dhibaato dhaqaale.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Man City dalab 75 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga reer Holland kaas oo ay doonayaan ku xoojiyaan kooxdeeda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay International Business Times, Liverpool ayaa sidoo kale dooneysa inay ciyaaryahanka khadka dhexe keento Premier League bisha January ama suuqa xagaaga si ay ugu xoojiso kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Red De Jong u arkaan badalka Georginio Wijnaldum, kaas oo kooxda qaab xor ah uga tagay xagaagii la soo dhaafay kuna biiray kooxda PSG.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *