0

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay dib ugala soo wareegto Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibaatooday in uu so bandhigo qaab ciyaareedkii looga bartay tan ilaa markii uu ku biiray kooxda Barcelona suuqii January ee 2018.

Philippe Coutinho Oo ku fashilmay in uu is muujiyo wakhtigii uu amaahda ku joogay Bayern Munich ayaa ah xiddig ay Barcelona aad u doonayso in ay iska iibso.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito TV, Reds ayaa mar kale soo dhaweyn doonta Coutinho, maadaama ay aaminsan yihiin in heshiis lagu burburin karo qiimo jaban.

Coutinho ayaa sidoo kale ku faraxsan tallaabadan, maadaama uu aaminsan yahay in tababare Jurgen Klopp uu mar kale ka soo saaro qaab ciyaareed fiican.


Like it? Share with your friends!

0

0 Comments

Your email address will not be published. Required fields are marked *