Ma 5 arrin baa sabab u ah in Soomaalidu aysan cuntadooda ka reebin Moos?


Spread the love

Xigashada Sawirka, Getty Images7 Saacadood ka horMoosku waxa uu ka mid yahay khudaarta ugu caansan caalamka. Celcelis ahaan qof walba oo naga mid ah waxa uu sanadkiiba cunaa ilaa 10 kiiloo garaam oo moos ah (oo la mid ah 100 xabo oo moos ah). Sida ay garanayaan dadka beeraleyda ah ama u kuur gala qaabka ay u baxaan dalagyada, moosku wuxuu iskula koraa 50 miro ilaa 150 halkii marba. Qeybahaas ayaa usii kala baxa gacmo middiiba ay ka kooban tahay 10 ilaa 20 xabo oo moos ah.Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dadka sida maalinlaha ah adeeggooda raashinka ugu soo darsada mooska, inta bandanna isticmaala xilliga qadadana. Hase yeeshee, su’aashu waxa ay tahay, sababta ay Soomaalidu u jecel yihiin mooska qeyb maka tahay shan faa’iido oo uu caafimaad ahaan u leeyahay mooska?Jawaabta su’aashaas ka fikir adiga aqristaha ah laftaada, haddii aad xiiseyso mooska oo uusan ka maqnaanin saxankaaga. Kuwani waa 5 faa’iido oo khubarada caafimaadku ay ku sheegeen mooska.1. Wuxuu sare u qaadaa caafimaadka calooshaXigashada Sawirka, Getty ImagesMoosku waxa uu jilciyaa caloosha, taasoo ay sabab u tahay maaddada fiber-ka ee uu qaniga ku yahay. Sidaas awgeed waxa uu fududeeyaa burburinta raashinka caloosha gala, kaasoo waqti kooban ku milma.Intaas waxaa sii dheer in uu moosku debciyo dibirada marka uu qofku raashin badan cuno. Sidoo kale waxa uu moosku caawiyaa shaqada bakteeriyada ku jirta caloosha ee gacanta ka geysata dheef shiidka.2. Waxa uu kordhin karaa caafimaadka wadnahaMooska waxaa ku jirta afaqo muhiim ah oo loo yaqaanno “potassium”, taasoo wax tar aad u weyn u leh jirka.Maaddada Potassium-ka waxay gacan ka geysataa in shaqada wadnaha ay ku socoto sida loogu talogalay, waxayna ka hor tagtaa khaladaadka ku imaada cadaadiska dhiigga ee sababa dhiig-karka. Raashinka ay ku jirto Potassium-ka ayaa mararka qaar ka hor taga cudurrada wadnaha iyo faaligga, sida lagu sheegay daraasado dhowr ah.3. Waxa uu gacan ka geystaa maareynta laab-jeexaXigashada Sawirka, Getty ImagesMooska aan weli bislaanin waxa uu qofka ka caawiyaa in aashitada caloosha aysan ku faafin meelaha ka baxsan caloosha gudaheeda.Taasi micnaheedu waa in mooska aan weli bislaan ee midabkiisa kore uu cagaarka yahay uu faa’iido weyn u leeyahay dadka la xanuunsan laab-jeexa.4. Waxa uu kordhiyaa tamartaMaadaama ay mooska ku yar yihiin biyaha, waxa uu leeyahay sokor ka badan tan ku jirta khudaarta kale. Sokorta ayaa ugu jirta siyaabo kala duwan, waxayna ku sameysan tahay maaddooyinka uu ka kooban yahay mooska, sida “sucrose”, “fructose”, “glucose” iyo “fiber”.Marka lagu sii daro maaddada potassium-ka waxa ay dhammaantood si wadajir ah u caawiyaan murqaha jirka, gaar ahaan marka uu qofku sameynayo jimicsi.5. Waxaa laga helaa farxad Mooska waxaa ku jirta maaddada “amino acid” oo maskaxda siisa dheecaan dhaliya in qofka uu dareemo wanaag iyo farxad.Isla maaddadan ayaa qofka ka caawisa in uu dareemo nasiino iyo in uu ka yaraado welwelka.


Like it? Share with your friends!