Ma Is Weydiisay Halkay Salaadu Kaaga Xidhmi La’dahay ( Abdi-Shotaly).


Spread the love
N.B Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.

“Haddii muruqa
bawdadu ku go’o waad makalan-taaye, mareegtaaba loo sii xidhaa. maqasha
nayloode, Miiraalaha hortii baa biyaha la iska moosaaye (IHN Waa Tima-cade), oo
micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw,  Inta aanu kuu soo gelin daadku horteed waa in
aad halkuu kaaga soo gelaayo ka sii xidhaa, haddii kale waxad noqonaysaa
Maah-maah-ddii ahayd “Nin daad qaaday xumbo cuskay” waa  xikmad aad u qiimo badan oo loo daliilsan
karo, aumuuro fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo
mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas
samaysay-na ay isku canaanato, iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii
ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee dhaliyey
khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay galaan,
siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabasha-dda waxa
ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo
duunyo ahi marka ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah
ciddii  saamaysay, dib uga
tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u tafa-xaytaa in uu ka
soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo’e, gun dhiga cinwaanku waxa uu
tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu
qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa
caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in ay dhacaan wixii uu markii hore ka
artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay, soona yareeyey rajaddii uu
lahaa ee ka

kala daadiyey.

 

Waxa la yidhi, nin ku
sigay wax kuu sheegye” Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo
Cagtu Yaanay Kula Marin”, Markan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego
aaraarta, ee u gudda galo halka I manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay,
waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo
allahii dhex dabaasho, wixii aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay
“Salaadu ka xidhmi la’dahay” Markuu wax isku dayo-ba ay bog-cadka
iskaga rogaysaa, waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha ka gawacaya, ee uu
dhuub dun ugu geli la’yahay? Qofku waa in uu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u
dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku
kaco, oo uu cawaaqibka uu ka dhaxli doono ka sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in fari
tog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi, sidii hore ugu
dhacday. Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan tusaale ku qoro
halkan ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysata maamulka Somaliland,
in ay ahayd ka fiirsasho la’aan iyo inaka oo isku maqanayn. Ta inala durugtay
oo aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? Yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi
kara?  Xusbigee aan denbi hore soo gelin?
Yaad isku aamini kartaa? Iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala
kulana-na waa taas aan ka nuuxsan la’nahay, ee ilaa imika inagu jiifto Hashii
caweer ( ee Cigaal Shidaad), welina aan la hinqan la’nahay, waxa misana ii sii
cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha la’ayd iyo is mood-siis
aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore baa loo yidhi qof nool iyo
ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na lagama indho qarsado’e, in aan
maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo i siiyey in aan guriggii madoobaa,
ku sii hungoobayno madhnaa mar kale, kana miisayno maskax la’aan ka xun tii
hore, ee aan ku jabnay, oo ay durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay,
cid  is waydiisay-na aanay jirin.

 

 Balaaydu inta aanay boqnaha ku goyn, ee aanay
seeftu mar kale inala tegin, saw maaha in aan iska jirno qaran jab-keena,
batarka beenta  ah ee baloolaydda la ina
maqashii-naayo, oo aan mar qudha garano waxa inoo wacan, iyo waajibka inaga
saaran horumar-keena iyo siddii aan isaga qaban lahayn, kuwan hagar-daamo, iyo
kale eri oo in yar la soo hadh, qaar iska ilaali, gobolo la siiyey Majeerteen,
sool oo ana faro ku jirin, wadnaana farta lagu hayo, wakhti kaste-na la filaayo
in ay u gacan gasho kan badhisaabka ka ah Puntland. xoolo urursi iyo  dhuumasho ay is leeyihiin wax baa qariseen, hadana ay qoraxdu duhur tahay illaah
ku kashifay, been uun la hurgufaayo, is yeel-yeel aan dhana-ba jirin, oo hoosta
ka qalaalan, Sidaas awgeed bal waxay askar-tani inoo sheegayso, ee ay Meesha ku
hayaan waa maxay? Saw ka-kac iyo wax huu-haaya maaha? Waxay ku mudo
dheeraysa-nayaan ka sii xoogsiga ay ummadda ku hayaan, waalidda sii afar
qaadaysa, taas oo dlakii gobol-ba gaar u dirtay, wax wadda socdaana aanay
jirin, ee ay ku malabsa-nayaan, daba-leefyo loo adeegsaday reert walba sidda ka
” Habo Caaye” ee bilaa akhlaaq-dda ah, ee ansh-xumo daraadeed uu
war-bahainta ugu dhiibtay, ilayn waa meel loo balamaye in loo dhameeyo’e.

waxan ku soo xidhay,
qabyaaladdii iyo boobkii is bahaysatay ee aad ku taageer-teen, isku xaafad
baanu nahay, ka soo maal hadaba, waa idinkaa adhaxdda seef isku kala badhaye,
ee dhul boobka la idinku xaalu-fiyeye ee meel ay cuskato la’dahaye. Ku quuso
qudhaanjooy, waa taa hadda geeri-go’an ku habstay somalilande.

 

* N.B Halkii Qorigu
Kaa Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.

 Qore:- Abdi-shotaly


Like it? Share with your friends!

0

Comments

comments