Ma jeclaan lahayd inaad sheybaar ilmo ku dhasho?


Spread the love

Sheybaarka Carruurta

Saynisyahannadu waxay weli ku howlan yihiin natiijooyin hordhac ahna ay ka gaareen habka cusub ee taranka bani-aadamka loo isticmaalo oo sheybaar lagu sameeyo, kaasoo meesha taranki dabiiciga ahaa ee ay haweenku caloosha ilmaha ku qaadayeen ama ay sida dabiiciga ah ee ay u dhalayeen.

Haddaba habkan cusub ee taranka inta aan la gaarin heerka ay Saynisyahannadu gaarsiiyeen wuxuu marayey iney haweenku ilma uureysan karaan iyaga oo aan rag u galmoon oo ilmaha qaab sida dabiiciga ka baddalan ilmaha loogu beerayo.

Hase yeeshee, Saynisyahannadu waxay hadda sameynayaan in ilma galeenka hooyada ay ilmaha ku qaaddo dumarka jiilka ama labada jiil ee soo socota laga soo saaro, iyaga oo aaminsan natiijada cilmi-baaristooda ka soo baxdo ay caalamka ka abuuri doonto dareen kala duwan oo ku saabsan micnaha ay arrintaasi uga dhigan tahay saynisyahannada iyo noolasha aadanaha.

Habkan cusub ayey Saynisyahannadu ku sheegeen iney uga gol leeyihiin in lagu daryeelo cafimaadka iyo fayoobida haweenka uurka leh, ee wakhtiga badan ee uurka ilaa iyo dhalmada waxyeellada jireed ee ay la kulmaan.

Cilmi-baadhista Saynisyahannadu ay sameynayaan oo loogu magac daray ‘ilma galeen macmal ah’, afka qalaadna lagu yiraahdo ‘artificial womb’, waxaa ku howlan saynisyahanno daafaha dunida ka kala socda oo ka tirsan Jaamacadda Oslo ee Norway, jaamacadda Tiknooloojiyadda Endihoven ee Netherland, Jamacadda Singapore iyo Machadka Sayniska ee Weizman ee Israa’iil.

Siduu ku yimid fikirka ilmo-galeenka shaybaarka?

Saynisyahannada caalamka waxay ku howlan yihiin sidii ay u sameyn lahaayeen ilma galeen macmal ah oo la mid ah ilma galeenka dabiiciga ah.

Waxayna raadinayaan sidii loo heli lahaa nidaam awood u leh qaadista iyo daryeelka ilmaha si la mid ah habka dabiiciga ah. Sida laga soo xigtay Saynisyahannadu waxay sheegeen in lagu sameyn karo kuleyliyeyasha caadiga ah (incubeters).

Tijaabada cilmi-baadhista ee ay Saynisyahannadu sameeyeen oo loo adeegsaday adhiga ayaa noqday mid lagu guuleystay.

“Waxa aanu samaynayno ayaa ah in aanu ku xidhno tuubooyinka dhuuban xuddunta oo aanu si guul leh tuubbooyinkaasi dhiigga ugu gudbinno, taasina waxa ay naga caawinaysaa in aanu hawada u geyno uurjiifka, anagoon isticmaalin sambabbada si aan sidaas u samayno,” ayuu yidhi Dr Mathew Kemp, cilmi baare ka socda Jaamacadda Singapore.

Cilmi-baarista waxay diiradda saareysaa sidi loo heli lahaa nidaam Kppmbiyuutar oo habka taranka caawiyo.

Haddaba sidey bulshadu uga falcelisay cilmi-baaristan?

Dadka cilmi-baaristan la socdo waxay ku taliyeen in la sii xoojiyo. Dad badanna waxay u arkaan iney cilmi-baaristan lagama maarmaan tahay balse loo baahan yahay in loo hoggaansamo anshaxa sayniska si loo helo natiijo wax ku ool ah.

Balse cilmi-baarayaasha laftoodu kama shaki qabaan waxa ay sameynayaan.

‘1979-kii markii ugu horreysay oo ilmihii uma ahan wax cusub in la maqlo dadka oo leh aad baan u soo dhaweyneynaa in la sii wado,’ ayey tiri Dr Anna Smajdor oo ka tirsan Jaamacadda Oslo.

Helen Sedgwick Helen oo ah qoraa sare oo dhanka Sayniska ah waxay sheegtay saameynta arrinkan uu yeelan karo inta aan la eegin ka hor ay habboon tahay in la eego saameynta ay ku yeelaneyso hab-noolaleedki dabeeciga ahaa ee ay dadku caadeysteen inkasta oo ay fikraddi si wanaagsan u soo dhaweysay.

‘Aniga ahaan, arrinkan waxaan u arkaa xal baniaadamka u wanaasgan, waxayna badbaadineysaa carruur badan oo inta ay dhalan ka hor caloosha ku geeriyooda, waxay sida oo kale wax ka baddaleysaa noolasha dadka aan awoodin iney si caadi ah u uureystan ama u dhalaan.’

Doodda Helen waxaa taageeraya Dr Anna Smajdor waxayna ku dartay, ‘Waxaan ku noolnahay nolol haweenku, si qoto dheer loogu dhiirrageliyo hirgelinta dhaqanka iyo arrimaha dhaqanka la xiriira, laakiin waxa isbeddelaya maaha horumarkan cilmiyeed, waa jawaabta bulshada lafteeda.

Halkaa marka ay marayso su’aalaha ugu waaweyn ee qoraaga Helen iswaydiinayso ayaa ah, yaa noqon doona mulkiilaha farsamadan si loo abuuro bini’aadam ka baxsan hababka taranka ee caadiga ah? Yaa maamuli doona? Dad noocee ah ayey noqon doonaan? Mise dadka ayaa lagu qasbayaa inay isticmaalaan?

Haddii farsamadan beeridda shaybaadhka bani-aadamka lagu guulaysato, saameyn noocee ka dhalan kara?

Marki ugu horreysay, cilmi-baadhayaashu waxay awoodi doonaan iney unug ka mid ah maskaxda jiirka ay ku soo saaraan 11 malmood gudahood. Waxayna isku dayayan iney la socdaan awoodda jiirka uu u tarmo una kobco, habkaas oo suuragal noqon kara oo keli ah unugga kacsani marka uu galo

“Daraasaddan waxa aanu ku billownay in aanu ka shaqayno xayawaanno kale oo hab-dhiska tarankood iyo unugyadooda ay la mid yihiin kuwa bani aadamka oo ay ka mid yihiin bakaylaha, run ahaantiina waxa aan odhan karaa natiijada daraasaddan waxa ay noqotay mid aad loogu guulaystay, iyadoo ay aad u yar yihiin wax-qabadkooda,” ayuu yiri Dr. Jacob Hanna oo ka socda machadka Sayniska ee Weizmann wuxuuna intaa ku daray, ‘Natiijooyinka soo baxaya waxay dhiirigelinayaan in ay sidoo kale suurtogal tahay in bini’aadamku sidaas sameeyo’.

Saynisyahannada ayaa arrintan u arka mid xal ah, waxaana ay keeni doontaa isbeddello la taaban karo si loo badbaadiyo dhallaanka ku dhasha 23 toddobaad iyo wax ka yar 25 toddobaad.

“Waad ogtahay marka aad kla timaaddo wax cusub oo sidan oo kale ah, waa inay ka fiicnaadaan kuwa hadda jira, iyadoo la tixgelinayo celceliska rajada nolosha noolaha 23-usbuuc waa 40% ama 50%,” ayuu yiri Dr Kemp.

Inkasta oo ay jiraan doodo kala duwan oo ku saabsan marxaladdan abuuritaanka shaybaarada aadanaha, cilmi-baarayaasha laftooda ayaa leh, waxaa jira caddayn ah in faa’iidooyinkiisa ay ka badan yihiin khasaaraha ka iman kara.

Cilmi-baadhayaashu waxay ku qiyaaseen in 10-ka sano ee soo socda, ay si rasmi ah u billaabi doonaan tijaabooyinka bini’aadamka, iyada oo la sii wadi doono oggolaanshaha doodaha si kor loogu qaado sumcadda ay cilmi-baadhistan yeelan karto.


Like it? Share with your friends!